Site icon Daruur درور

Riyada koridda buur guri korkeeda ku yaallo

Su’aasha:

asc wr wb alxamdulilah calaa kuli xaal walaal bahda duruur wad kumahadsantihiin riyooyinka aad ifasirtaan iyo suaalaha ad nooga jawabtan alxamdulilah inta badan wayahan riyooyinkega kherbey ubadnaayeen lkn saakey ayan waxaan ku riyoodey ano buur dusheed saaran waliba buurta dusheda guriga baa kudhisan oo qurux badan lkn aniga hadan is dhaho kudul saco wan cabsanaayey sida inay ila dumeesa oo kale inaan kataraaraxo oo aan kadhaca ayan kacabsanayey 3qof oo mid odey oo aan hada 2 ka mid ah meel aan iskala shaqeyno mid ka kale meesha an kashaqeyo ayn iskala shaqeyn jirney lkn hada shaqada waa laga fasaxey inta badana dadka ma aysan jeclen oo waxa lagu tuhma inu dadka isku diro isku soo duub riyada 3 das aya ila jogeen ayaga wey iskadul socdeen cabsi kuma jirin aniga ayey igu lahaayen maxad ucabsanee marki danbe waxaan isku dayey inan buurta kadegto lkn degashadina waan ka cabsanaa oo inaan taraaraxo buurta jaranjaro lagu degto ayey lahed lkn aniga inan intan degayo dhaco ayn kabaqeyey anigo saxriir kudegi raba ayan so kacey dhab ahanti buurta guri qurux badan aya kudultaaley lkn maxey tartaa cabsi ayn kujoga buurtana waxey muuqal ahaan u ekeet buur hakabo gabolka baay oo ah degmada aan kaso jeedo riyadas hala iifasiro insha allaah.

Riyada koridda buur guri korkeeda ku yaallo
Riyada koridda buur guri korkeeda ku yaallo

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa howshaada ama shaqadaada iyo waxa ku saabsan, buurta waxay astaan u tahay camalka ama shaqada qofka uu hayo, fuuliddeeda waxay ka dhigan tahay inaad gaarayso dantaada, laakin cabsi ayaa kusoo waajahaysa waxaana laga yaabaa cabsidaas inay kaaga imaan doonto dadka aad sheegtay inay kula shaqanayeen ama isku meel aad ka wada shaqaynayseen.

Waxaa dhici karta riyada inay tahay digniin oo lagaaga digaayo in shaqada dhib kaaga imaado waxaana sabab u noqon kara dad marka guud ahaan taxdar qab.

Exit mobile version