Riyada iyo riyo la’aanta maxaa sababa

Su’aasha:

Laba sual mida kobwaad hooyadey allaha unaxariiste way dimatay 2013 wixii waqtiga laga sobilabo ila 2018 riyada Ayan ku arki jiray àad Ayan Ogu riyoon jiray lakin hada kool dhaw maarag maxaa sababi kara 2. Hada maba riyoodaba habeenki dhanba macudur ba mise wa iska caadi.

Riyada iyo riyo la'aanta maxaa sababa
Riyada iyo riyo la’aanta maxaa sababa

Jawaabta:

Ilaahay ha u naxariisto hooyadaada iyo hooyadayda iyo dhammaan hooyooyinka muslimiinta.

Riyada aad ku arki jirtay hooyadaada waxay la xiriirtaa jacaylka aad iyada jeclayd qalbigaaga aad buu ugu xirnaa marka taas waxay keenaysaa qofka inuu aad ugu riyoodo waalidka markay dhintaan haddana muddo ayaa kasoo wareegatay sidaas awgeed riyada way yaraatay.

Inaad riyoon weysid wax dhib ma laha riyada dadka way ku kal duwan  yihiin inta badan waxay la xiriirtaa riyada fikirka iyo maskaxda waxa ku jira, riyooyinka noocaas ahna badankooda fasir ma laha.

Marka wayna dhici kartaa in badan inaad kusii riyooto hooyadaada mustaqbalka waana waa wax caadi ah qofka inuu riyo arko ama uu waayo riyada muddo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More