Site icon Daruur درور

Riyada indhaha furmi waaya

Su’aasha:

Asc marar badan bishi laba Mar ama Sadax Mar ayaay igu dhahcda riyo ah inaan indhaha Kala furi waayo waliba daqiiqada ugu dambeyso ee hurdada riyadas ayada dhan daqiiqad madana waana markaan toosayo markaan indhaha iifurmaan horaan kaso toosa anoo neef tuurayo maxay noqon kartaa Asc.

Riyada indhaha furmi waaya
Riyada indhaha furmi waaya

Jawaabta:

Taas waxay tilmaamaysaa inay ku haysato dhibaato nafsi ah sidoo kale inaad ku qaldan tahay go’aannada aad qaadanayso, iyo inaadan ku qanacsanayn nolosha aad ku jirto, riyadan waxay tilmaamaysaa inaad u baahan tahay isbadal dhab ah oo aad mustaqbalkaaga ku saxayso, waxaan kula talinayaa inaad marka hore Alle ka baqdo oo aad iska ilaaliso wixii xun iyo wixii waqtiga kaa dhuminaya iyo saxiibadada xunxun, riyada waxay tilmaamaysaa noloshaada inay jahwareer ku jirto waxaadna kaga bixi kartaa inaad diinta ku dhaqanto oo aad salaadda ku dadaasho oo aad quraanka mar walba akhriso.

Exit mobile version