Riyada habeen bar idinkoo meel u socda
Su’aasha:
Waxaan xaley ku riyooday ani iyo walaashey iyo gabar ay dhashay oo habeen bar aan u socono guriga hooyadeen markaas iyaga baabuur ayay koreen anaa ka haray waxaana arkay walaashey kale oo i leh meeshan dhawaa daganahay sidii aan ku raacay oo aan gurigooda ku bartay ka dib waxaan is aragnay wadaadka qaba koley wuxuu i weydiiyey cida aan ahay anna waan u sheegay xitaa magacayga ka dib waanka soo tagay markaann kasoo tagay walaashey iyo gabadhaan abtiga u ahaa wey iga tageen marka laba moobeel baan watay mid niicle ah iyo mid shaashad ah, markaasaan waayey kii niiclaha ahaa saasey tahayna waa habeen bar anoo si uun u dawaqsan baan arkay wll riyadaas maxaa lagu macneeyaa?

Marka riyada habeenka waxaa laga fahmaa in qofka uu hayo jahwareer arrimaha uu u jeedo inaysan u toosnayn.
Waa riyo baraarujin ah, waliba moobelka lumaya ayaa sii caddeynaya in dhib uu jiro.