Riyada habaryar wajiga badalaysa iyo gabar ii xanaaqsan
Su’aasha:
Asc walal waan idin salaamay salaan kadib.
Waxaan qabaa 2su’aal oo ku saabsan riyooyinka aan ku riyoodo
Walal horta waad mahadsantihiin sidaa kuwi hore igu soo jawaabtwen.
Walal waxaan ku riyooday maamo habaryar ii ah oo aanu xidhiidh fiican leenahay ani xagayga kolay wax xumaan ah uma hayo waa hooyo walaasheed walal waxaan ku riyooday iyadoo wajiga ii xumaynaysa oo I bahdiaysa ilaa hada ma aqaano sababta alle unbaa og.
Riyada kle waxay tahay walal gabdh aan daris nahay lkn aanan sidaas isku dhax galin wali ayaan ku riyooday ani iyo ninkeedu oo qol wada fadhina ayay noosoo gashay wayna xanaaqday oo intay baxday bey hoos seexatay meel bilaacad ah ama boosaneer kadib waan soo kacey waana soo kaxeeyay anoo kulehh ani iyo ninkaaga maxaa naga dhaxayn kara meesha waan wada fadhinay une kadib way I aqbashay wayna nala fadhiisatay intaa kadib gabdha marada unbaa ka dhacaysay cawradeeda ayaan muuqanaysay ana kolba marada ayaan saarayay waxaana qalbiga iska lahaa maxay isu asturi la.dahay?
Sida caadiga ah ninkeeda aqoon iskuma lihin lkn waan is muuqaal aragnaa un walal isoo Jawaaba idinkoo mahadsanid waa 2riyo oo aana ilaawin wali.
