Site icon Daruur درور

Riyada gurigayga dad foolxun ay ku qayilayaan

Su’aasha: 

Habeen habeenada ka mid ah ayaan seexday waxaan ku riyooday sida tan:
gurigayga ayaan Maalin nimadkii dibada uga baxay habeenkii markii aan soo noqday ayaan gurigii ugu kor imid dad aad u fool xun oo qayilaya aad ayaan u naxay waliba dadkaasi diintayda ayay caayeen ka dib waan orday siday idinla tahay culimooy.

Riyada gurigayga dad foolxun ay ku qayilayaan
Riyada gurigayga dad foolxun ay ku qayilayaan

Jawaabta:

Riyada waxay xambaarsan tahay arin gurigaaga khuseyso, waxaa lagaaga digayaa inaad iska ilaaliso guriga dadka kula joogo, waxaa laga wadaa xumaan inay ku jiraan dadka qaarkii oo adiga aadan ogeyn ama dad saaxiibo aad tihiin ayaa sidaas ah adigana dad wanaagsan ayaad u haysataa, qayilaadda waxay tilmaamaysaa fasahaad iyo khasaaro iyo in lacagta lagu bixiyo meel aan faa’ido lahayn, guud ahaan riyada waa digniin gurigaaga.

Exit mobile version