Site icon Daruur درور

Riyada gabar duleelka albaabka dad ka fiirinaysa

Su’aasha:

Asc wll waxa ifasirtan waxan ku riyodey aniga iyo gabadhkle oo isla dhigano jaamacada waxn kusii soconay meel waxbarsho waxn hor istaagney fasal ardey ku jirto maclina wax u dhigaayo wan qaracney albaabka ayu naguso celiyey kadib waxn arkay meel hoose albaabka oo banan macnaha ka jabanyh albaabkuna looxbu kasameysnaa halkasa isha saarey mise wa ciyal yaryar ila 8 jir ubadan dhar waxy waten cagaaaran wey fadhiyenkadib w ey igu qeyliyen macalinkey ishegen inan so egayo kadib intan caayey ban iskaga tagnay ani iyo gabadhi.

Riyada gabar duleelka albaabka dad ka fiirinaysa
Riyada gabar duleelka albaabka dad ka fiirinaysa

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad samayn doonto fal kuu keeni kara dhibaato xagga bulshada, falkaasna wuxuu keenayaa dagaal iyo aflagaado waxaa laga yaabaa inay digniin tahay inaad iska ilaaliso waxyaabaha qaarkooda aad samaynayso, sidoo kale waxyaabaha qiimaha aan lahayn inay kaa mashquulin karaan  waxbarashada ama wixii waxtar kuu leh.

Exit mobile version