Riyada dharkaaga oo dhar kale ku milmaya

Su’aasha:

asc waxan ku riyooday ayado 7 dirac oo bati ah aan leeyhay ee ku dhex milmayan baatiyaal kale oo meel tuuran lona diyariyay in la dhaqo kadib kuwayga ka dhex raadsada la i dhaha intan raadiska waday waxa arkaya baatiyaal kuweyga ka qurxoon waxa isku dayaya inan kuwas qato oon kuweygii iska dhafo goobti eey yalen ma ahe meelkale aan ugu daba tagaya oo dharki loo qaday kdb markan diracdii isku cabiro wee iga gabanayan.

Riyada dharkaaga oo dhar kale ku milmaya
Riyada dharkaaga oo dhar kale ku milmaya

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa noloshaada isbaddal inuu lasoo gudboonaan doono waayo dharka inta badan wuxuu sheegayaa xaaladda aad ku sugan tahay, dharka waasaca ah oo qurxoon waa xaalad wanaag iyo raaxo leh, dharka ciriirigana waa waa taas cagsigeeda, marka noloshaada ayaa isu baddali doonto xaalad kale, guur ama guurka cagsigiisa iwm. waliba isbaddalkaas waxaa laga yaabaa inuu ka dhasho dad aad is dhexgalaysaan oo saaxiibo aad noqonaysaa oo aad wax isku darsanaysaan, waayo baatigaaga ayaad dhexda kaga jiray dharka kale.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More