SuAsc Allah mahadleh
waad mahadsan tihiin webka Allah macak
waxaan ku riyooday walaashay ayaa dhar cusub ii keentay
dharka waxaa soo diray walashy kaloo wadankale joogta
dharku waa laba kol xidhasho iyo sharaabado fara badan
waxaa markaasi ila joogay aabahay oo Mar hore dhintay sariir ayuu ku jiifay waxuu qaatay shaadh iyo surwaal
Allah mahadleh.
Jawaabta:
Riyada waa bishaaro iyo farxad kuu imaan doonto waliba waxay u badan tahay guur iyo nolol cusub, dharka waa asturaad guurkana waa asturaad sida dharka oo kale, aabbahaagana waxaa lagu fasirayaa inuu noloshaada ku faraxsan yahay, oo khayr Ilaahay siiyay.