Riyada dhalo qamro ah oo vimto isku badalaysa?
Su’aasha:
Asc sxb igu qaaliya waaku salaamayaa Webka Daruur.com inta kugula shaqeysa wlhi badanaa Webkaan anaa dad badan kusoo xiray waxaan sameeyaa mar walba ciwaanka webka ayaan ku faafiyaa baraha bulshada waxaana arkay dad badan oo webkaan aad u amaana oo la socdo anna aad baan ula shaqeeyaa Daruur.com, marka waxaan idiin leeyahay guuleysta.
Tan kale waxaan riyo ku arkay wax aan umaleeyey dhalo qamro ah la iikeenay ka dibna aan aad u dhibsanaayo oo xitaa dhibic ka mida iska ilaalinaayo oo karaahsanaayo markaasaa dhaladii Qamrada aan u maleynaayey dhulka ku kala bujiyey ka dib baan akhriyey in Vimto ay ku qorantahay oo wixii aan ka cararaayey ay vimto ahaayeen marka riyadaas maxaa lagu fasiraa?
