Site icon Daruur درور

Riyada cusbitaal aad wayn iyo dad badan la caawinayo

Su’aasha:

ASC ALLAH MAHADLEH
WAAD KU MAHADSAN TIHIIN WAQTIGIINA QAALIGA AH EED NA SIISEEN ALLAH MACAK

WAXAAN KU RIYOODAY ANOO DHEXJOOGA CUSBITAAL AAD U WAYN OO BALAADHAN AAD U BUUQA DADBADANI YAALAAN ANOO SI AAN XAALADOODA U OGAADO MAQSIN MAQSIN BUKAANADA OO BUUXA U WARAYSANAYA XAALADOODA
QAYBTA DUMARKA OO AAD U BUUXDAY AAN BUKAANADA DADKA KA SAARAYO QAYLADOODA AAN LEEYAHAY KA BAXA BUUQA DADKA BUKA
DADKUNA AADBAY IILA YAABANAYEN NINKAN YAR EE HADANA DHAKHTARKA WAYN AH
GABADH AYAA IGU TIDHI GURIGAAGA QOL AAN QOL AAN DAGO ISII WAAN SIIYAY

WAXAA II TIMID INAN AAN ILMADER NAHAY
WAXAY IGU TIDHI WLL ALAAB AYAAN UBAAHNAYE
WAXAD ISIISAA LACAG WAXAN KU IDHI INTEE KUGU FILAN EED U BAAHAN TAHAY WAXAY TIDHI NINKAYGAA IGA BUKEE 10,000 KUN MARKAASAN KU IDHI 15000 KUN AYAAN KU SIIN MARKAASAY ITIDHI WLL 30,000 KUN IGA DHIG
WAAYAHAY AYAAN KU IDHI WAAN SIIYAY WAANAY FARAXDAY
ALLAH MAHADLEH

Riyada cusbitaal aad wayn iyo dad badan la caawinayo
Riyada cusbitaal aad wayn iyo dad badan la caawinayo

Jawaabta:

Riyadan bilowgeeda ilaa dhamaadkeedamarka  laysu keeno waxay tilmaamaysaa inaad noqon doonto qof dadka ka dhex muuqda oo bulshada wax badan ka toosin doona, waliba waxay u eg tahay inaad wax weyn u qaban doonto umadda soomaaliyeed oo aad ka mid noqon doonto dadkii isu keeni lahaa shacabka soomaaliyeed waa riyo u dhow riyooyin badan aan horay kuugu soo fasiray.

Exit mobile version