Site icon Daruur درور

Riyada caano geel iyo muqumad

Su’aasha:

ASC WAAD MAHADSANTIHIIN
waxan ku riyooday aniga oo cabaaya caano geel oo aad u macaan dhawr koob ayaan cabay
kabacdi wiil aan abatiyo u ahay ayaa muqumad macaan ee keenay iyana waan Cunay
waxuu wiil kii aan abtiga u ahaa igu yidhi waan xanuun Sanayaa oo caloosha u socota isagoo dad badan oo xaafada ahi lasocdan
kabacdi waxan ku idhi dawo ayaan kuu samayn
kadib beero aad uqurux badan oo roobku helay oo geelna jooga ayaan tagay Allah mahadle.

Riyada caano geel iyo muqumad
Riyada caano geel iyo muqumad

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa sidoo kale nolol fiican, caanaha geela cabiddooda waxaa lagu fasiraa guur wanaagsan siiba gabar fiican, guud ahaan riyada waa riyo nolol wanaagsan tilmaamaysa, beeraha iyo caanaha iyo hilibka dhamaan waxay tilmaamayaan nolol wanaagsan.

 

 

YouTube video player

Exit mobile version