Riyada biyo cirka ka imaanayo oo kaligay igu kooban
Riyada biyo cirka ka imaanayo oo kaligay igu kooban
Riyada:
Waxan ku riyooday biyo kaligay igu kooban oo cirka ka imaanayo waxaan gacanta ku haystay sufurka biyaha lagu cabo amaba [galaaska biyaha] cirka ayaan u taagayay oo biyo cirka ka imaanaya ayaa ku dhacayay galaaska [sufurka] kadib meesha aan taagna ayaan ka dhaqaaqay hadana meel kale aan is taagay ayuu iiga soo daatay anigana waxaan u dhigtay galaaski aan watay waxaana ku qaylinayay (mahadsanid ilaahayow adigay mahad oo dhan kuu sugnaatay.) niyadayduna waxay ku cel celinaysay hadalkan: “alla bal eeg sida uu ilahay ii jacel yahay” biyahaasna samada ayay ka imaanayen markan fiiriyo wuxuu u ekaa sidii biyo inaan tuubada ama [qasabada biyaha] ka shubanayo oo kale farxad aad u wayn baan riyada dhexdeeda ku dareemayay riyadan waxan ku riyooday soonka marka uu bilow ahaa salaada maqrib markaan tukaday ayaan ilahay waxa aan doonayo oo dhan waydiistay inta aan ku riyoonin riyadan. Kadib waan ooyay habeenki anigoo seexan rabo ayaan ducaysanayay oo ilahay ku dhahay “rabiyow ducadayda aqbal xitaa haddii aad imaqasho oo iga aqbasho riyo xitaa igu tus in aad i aqbashay ducadayda iyo waxa aan rabo oo dhan kadib markaan seexday habeenki ayaan ku riyooday riyadan intaan saxuuranayay oo dhan waan xasuusnaa oo way igu soo noq noqonaysay waxan dareemaya in ilahay wax walba ii aqbalay kadib markaan riyadan arkay

Fasirka:
Riyadan waa riyo aad u fiican, waa bishaaro, waxaad helaysaa wax badan aad Alle weyddiisatay
Waa arsaaq badan aad heli doonto, waa nolol fiican aad gali doonto
Waxayna u eg tahay ducadaada in laguu qablay
This dream is a very good dream, it is good news, you will find much that you have asked Allah
It is a lot of food you will get, it is a good life you will enter
It looks like your prayer is for you