Riyada biyaha, dhilqaha naagta qaawan iyo qalabka gaariga

Su’aasha:

ASC gudomiye – waxaan Ku riyooday

( 1 ) biyo gurigayga qeebta musqusha ka buuxaan dgirika le ek ilaa one miter biyahaas waxa Ku dhex jiray Malay cad oo cunaayo slider webs iyo Malay kale camal oo cagaar ah oo cunaayo adna wax yaabaha ay caara caarada qabsatay ama cunaayo guriga caarada siders web

( 2 ) waxaan kale oon Ku riyooday nin aan sxbo nahay oo iso booqday oo aan waydiiyay ma dhilqe ayaa kugu jiro markaad ayu yiri has markaas ayaan Ku iri INA bixi na wad kaso bad meeshan meel macqula ayan Ku genaya anigo isdhahaayay kuru u kire ama u radi meel u sexdo qof dhilqe Ka buuxo ma rabe

( 3 ) waxaan Ku riyooday laba bisad oo year year iyo mid kale oo Marie sadaxdooda anigoo cunto suinaayo bisadahaas isbuucii hore ayaan haayay waxan u wareejijiyay tuulo kale anigoo ilahaa kori si aysan magacalada ugu dhiman kadibna dukaamada gee oo wan qaaday balsa bisadahaas Ayan Ku riyooday anigoo markale wax siinaayo mid kale oo Yara madow aya Ku jirtay Ka Yara wayn kuwa kale inkadto ay sadax ayahaayeen hadana waa sadaxdii balsa mid ayaan mooday riyada dhexdeeda inaan aqaanin waa tan madow

( 4 ) waxaan Ku riyooday oo kale anigoo meel jooga ayaa naag I wacday oo will gashay markaas ayay bilowday inay isqaawinayo si romance camal ana waan daremay Wana Ka tagay

( 5 ) waxaan kale oon Ku riyooday anigoo qalab gaari gadaayo si aan samaynayo gaarigayga lacagna aan heesto.

Riyada biyaha, dhilqaha naagta qaawan iyo qalabka gaariga
Riyada biyaha, dhilqaha naagta qaawan iyo qalabka gaariga

Jawaabta:

1- Riyada biyaha guriga soo galaya waxay noqonaysaa nolol aad heli doonto  sidoo kale bashbash iyo barwaaqo ah sida khayraadka badda oo kale kalluunka ayaaba kuu caddeynaya oo meesha ka qaraabanaya.

2-  Riyadan dhilqaha waxay tilmaamaysaa qof cadow ah is qarinaya oo shar wata iyo murugo oo aan habboonayn in lala saaxiibo ama meel lala dego waa digniin.

3- Riyada bisada way dhici kartaa inay tahay wax qalbiga aad ku haysay oo naftaadu ka fikiraysay, tafsiirna way yeelan kartaa waxay noqon kartaa arrin kula soo gudboonaanayso siiba bisada madow waxay noqon kartaa murugo iyo walwal.

4- riyada naagta is qaawisay oo ku wacday waa fidno adduunyo laakin adiga waad ka badbaadaysaa sida riyada ka muuqato, naagta qaawan waa adduunyo laguu soo bandhigay oo fidno la socoto, waxay noqonaysaa digniin lagaaga digayo dambi inaad ku dhacdo.

5-  riyada qalabka gaariga aad gadayso waa amuuraha kuu hagaagayo oo aad ku liibaanayso gaariga waa astaan dhaqaaq iyo hor usocod, marka waa riyo bishaaro ah.

Fiiro gaar: Marka aad soo qorayso iska ilaali qaladaadka uu moobileka sameeyo afka soomaaliga wuu baddalaa, hadalka mararka qaar mala fahmayo, teeda kale waxaan rabaa inaad su’aal kaste si gaar aad usoo qorto oo aadan hal meel kusoo qorin, taas waxay u faa’idaynaysaa dadka webka akhrista su’aal kaste waxa la siinayaa cinwaanka ku habboon.

Khayr ayaan kuu rajaynayaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More