Site icon Daruur درور

Riyada beer masjidka lagu dhex cunayo

Su’aasha:

Asc waan ku salamay gudomiye Waxaan ku riyoday anigoo masajid jooga dhexdisa fadhi quruxbadan dad happy ah oo joogay aqiyaar u ekaaa sadax nin ayaana looga aqrinayay ruqiyah isla masajidkaas oo waxa ka mid ahaa sadaxdaas mid aan garanaayo oo ganacsade ah isla gobolka aan joogno masajidki dhexisa ayaan beer shiilan oo macaan ku dhex cunay misana ha la iibiiso markale ayan ku iri will dhalinyaro ah oo will yar la fadhiyo ila joogay fadhigaas willkii yara ayaa saxanka la cararaya oo doonay beentkii kadib waxaan is aaday meel xaafada oo dadka ciidan la joogo oo ay ka hadlayan maxaad banaanka u jogtiin waa lockdown camal isku dhawanshaha waxas ayay ka hadlayeen waxaan markale is arkay anigoo wata buumo ama kastumo oo kale ah meel suuqa dheh joogo mid baa magacayga igu yerray wan salmay wacaan u so cararay markle dhabkii iyo masajidka beerkina niyadan ku haya inan u labto kadibna waxaan is arkay anigoo Gaari truck kaxeenaya qofna ila saranyahay aan u maleyay shaqaale company waxay I ahayd riyad happy ah magalo ku dhex kexenayo aan u maleyay shaqaale company waxay I ahayd riyad happy ah anigana ma jecli inan qof u shaqeyo waa see riyadaan mana ila ahayn inaan shaqaale ahay ama aan leyahay waxan ogahay inaan wadaaday so fican mana jecli inan wado xita truck waxan xasusta oo i ogaysiyay in waxani truck yahay hindhista KASTO baxesa sida kale waa truck.

Riyada beer masjidka lagu dhex cunayo
Riyada beer masjidka lagu dhex cunayo

Jawaabta:

Riyadan waa riyo macne weyn leh waxaana laga dareemayaa in beerka uu yahay udubdhexaadka riyada, guud ahaan beerka wuxuu tusiyaa dhowr shay waxaa ka mid ah hanti badan oo kayd ah qofka inuu heli doono ama hanti qofka uga imaan doonto dumar ama ilmo inuu dhali doono oo uu jecel yahay, laakin in lagu cuno masjidka waxaa la socota digniin waayo beerka ama cuntada munaasib kuma ah in lagu cuno masjidka, sidoo kale waxaa sii caddaynaya digniintaas inaad soo baxday adoon dhar fiican wadanin oo munaasib ku ah meel dad badan ay joogaan waa ceeb ama dhaleeco lagagaaga digayo inkastoo gaariga wadiddiisa ay tahay astaan tilmaamaysa inaad ka badbaadi doonto waxa dadka qaarkii ay kula rabaan.
Si kaste riyadan waa riyo weyn oo macne weyn xambaarsan waana khayr inshaa allaah waligaaga taxadarkaaga qab.

rd 1 rd 2

Exit mobile version