Riyada barkada iyo maska oo hooyo soo weerarayo
Riyada:
Asc. Sheekh
Waxaa jirta barkad noo dhow oo edaday leedahay. Waa baraag dadku ka cabbaan. Riyooyin badan ayaan ku arkay barkaddaas iyadoo buuxda, biyuhuna ilaa banaanka jiifaan. Mararka qaar waxaan ku riyoodaa hooyo oo ka dhaaminaysa barkadda xoolana ka waraabinaysa, iyadoo dhowr salaan ka dhiman yihiin barkada.
Laakiin riyadan kale way ka duwanayd kuwii hore. Waxaan ku riyooday anigoo barkadda ag maraya, markaas ayaa waxaan arkay wax u eg ul oo baasto suugo leh korkiisa lagu nanabay oo kalayga (maangadka) barkada dhex jiifa.
Waxaan isku dayay inaan qaado. laakiin markii aan si fiican u eegay ayaan garwaaqsaday inuu mas madaw oo baasto-suugo isku kor nanabay yahay. Waxaan soo qaatay dhagxaan si aan u dilo.
Kadibna dhaawac xun ayaan gaadhsiiyay, anoo raba inaan nafta dhaafiyo ayuu adeerkay walaalkay la dhashay iiyimid wuxuuna igu yiri: ha diline iska daa wuxuu bilaabay inuu iga celceliyo markii uu i karwaayay ayuu soo qaatay ul uu maska ku qaado wuxuuna ku dhex riday barkaddii ay biyuhu ku jireen.
Waxaan is idhi fiiri bal gudaha barkada Markii aan fiiriyay, maskii ayaa igu soo shaydhay waabay, waxna ima yeelin balse korkayga ayay ku daadatay.
Kahor intaanan barkadda ka dul dhaqaaqin, waxaan eegay dhanka kale ee salaanka. Mise hooyo ayaa ku jirta. Biyuhu way yaraayeen, hooyana biyaha ayay dhex taagnayd. maskiina wuxuu bilaabay inuu weeraro hooyo iyo lo’ ay cabinaysay.
Waxaan bilaabay inaan ka celiyo anigoo dhagxaan ku tuuraya. Hooyana waxaan u fidiyay iskoobo si ay iskaga celiso hadii uu u soo dhawaado.
Ugu dambeyn, hooyo si nabad ah ayay uga soo baxday barkadda, balse maskii wuxuu igu reebay cabsi aad u weyn. Maaddaama baraagtaasi naga ag dhowdahay, waxaan ka cabsanayay in maskaasi caawa na cuno marka aan seexanno.
Bal riyadaas iisoo fasira wcs wr wb.

Fasirka:
Riyada waxay xambaarsan tahay macne weyn, waxaa jiro qof cadow oo isku qarinaya wanaag, oo meesha aad degan tihiin joogo.
Wuxuuna iska dhigayaa qof idin jecel, waxaa laga yaabaa inaad isla cuntaysaan ama gurigiina inuu caadi usoo galo.
Cadowgaas wuxuu xiriir la leeyahay dadka qaraabada aad tihiin oo meesha ku nool ama idin soo booqdo.
Cadowgaas wuxuu rabaa inuu dhibaato idin ku sameeyo, laakin waad ka badbaadaysaan.
Riyada waxaa la dhihi karaa waa digniin.
The dream carries a great meaning, there is an enemy who is hiding a good person, and is in your place of residence.
He pretends to be someone who loves you, you may eat with him or come to your house as usual.
This enemy has a relationship with your relatives who live there or visit you.
This enemy wants to cause you harm, but you will be safe from it.
The dream can be said to be a warning.
