Riyada balanta madaxwaynaha

Su’aasha:

Asc Allah mahadleh waad mahadsan tihiin jasakumulah khayr waxaan ku riyooday anoo la balanSan madaxwaynaha oo ugu tagay beer aad u wayn oo wada doog ah waan galay si wanaagsan ayaa LA iisoo dhaweeyay madaxwaynuhu wuu jooga soo soco soo dhawow ilaaladii igu yidhaadeen u gal soco waayahay  kabacdi biyo aan ku luqluqdo ayaan tukan meesha ku dhex yaalay u doontay tukaankana askarbaa ka buuxday aadna waan u faraxsanaa
Allah mahadleh.

Riyada balanta madaxwaynaha
Riyada balanta madaxwaynaha

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa heerka sare aad gaari doonto xagga jagada iyo hantida iyo awoodda iyo magaca, qofkii ku riyoodo madaxweyne wuxuu noqon doonaa qof magac weyn yeelan doono awood sare heli doono dadkana ay ka dambayn doonaan.

Marka riyada waa riyo fiican kuwo la mid ah ayaan kuu fasiray inshaa Allaah waa bishaaro, Ilaahay wanaag haku waafajiyo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More