Riyada anoo Sooman oo hadana is ogeyn wax cunay ka dibna cuntadii oo afka igu jirta iska tufay
Riyada anoo Sooman oo hadana is ogeyn wax cunay ka dibna cuntadii oo afka igu jirta iska tufay
Su’aasha:
Waa ku salaamay saaxiib qaaliya sidee tahay waxaan kaaga mahad celinaa sidaad marwalba riyooyinka aad igu micneyso tankale waxaan xaley ku riyooday anoo sooman ayaa waxaan tagay guriga habar yartay oo markaas raashiin bisil ka karsanaa saa waxaan arkay familkii habar yartay oo aan sooneyn oo si caadi wax iskaga cunaayo xitaa xaajiga habar yartay qaba muu sooneyn waxbuu cunaayey markaasaa anoo is ogeyn cuntadii ayaan afka gashtay oo hilib iyo bariis isugu jiray qaar markay igu tageen ayaan hadana qaar kale ayagoo afka iigu jira soo xasuustay inaan soomanahay markaas baan iska tufay ka dibna luuqday oo tufay riyadaas maxay ka dhigantahay wll.

Jawaabta:
Kusoo dhowow webka Daruur waan ogahay inaad riyo badan soo qorto, waxaan kaa codsanayaa inaad ku faafiso riyooyinka boggaada Facebook ama baraha bulshada ee kale, si dad badan ay uga faa’ideystaan, batooman ayaa jira oo aad kaga faafin kartid qoraal kaste webka ku qoran, Facebook WhatsApp Twitter iyo dhammaan baraha kale.
Riyadan waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto arsaaq ama hanti, waa riyo fiican oo tilmaamaysa nolol fiican iyo barwaaqo, riyada cuntada guud ahaan waa nolol fiican iyo barwaaqo uu qofka helayo, marka inshaa Allaah bishaaro ayaa kuusoo dhow lacag ha noqoto ama shaqo aad lacag ka heli doonto, si kastaba waa wax fiican, cuntada aad iska tufayso waa wixii kaa soo haro aad dad meel kale ku bixinayso, waa khayr riyada.
Riyada dharkaaga oo qof kale xiranayo
Welcome to the Daruur website, I know you write a lot of dreams, we help you spread your dreams on your Facebook page or other social media, so that many people can benefit from them, there is a button that you can spread a written text on, Facebook WhatsApp Twitter and all other platforms.
This dream indicates that you will receive sustenance or wealth, it is a good dream that indicates a good life and prosperity, the dream of food in general is a good life and prosperity, so God willing, good news will come to you, whether you get money or a job that will earn you money, however, it is a good thing, the food you spit out is what is left over and you will give it to people elsewhere, it is a good dream.