Site icon Daruur درور

Riyada anoo shaqada iska casilay

Su’aasha:

Asc Daruur.com, waxan ahay shaqaale dawladda ushaqeeya waxanan ka shaqeeya xarun caafimaad waxaanan qaabilsanahay xanuunada macaanka iyo dhiigkarka,, waxaan kuriyooday anigoo shaqadii aan hayay iska casilay, muddo kadib ninkii madaxda noo ahaa markuu ogaaaday go,aankayga waa iga diiday is casilaaddii wuxu inu igu yidhi waa inaad shaqaysaa duruuufwalba oo timaaada!

Riyada anoo shaqada iska casilay
Riyada anoo shaqada iska casilay

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad u baahan tahay nasasho, waxaa laga yaabaa naftaada inaad ku xambaartay wax aysan xamili karin, marka ku dadaal naftaada, is casilaadda waxay la xiriirtaa waxa aad shaqada kala kulmayso ee dhib ah ama rafaad ah, fikirka iyo walwalka iska yareey inshaa waa khayr.

Exit mobile version