Riyada anoo Jaamacad galayo
Su’aasha:
Asc waxaan ku riyooday aniga oo Jaamacad tagayo oo aan kuliyad dookhanayo waxaan u tagay macalin Biology Ii dhigi jiray oo xafiis fadhiya anaga oo badan ninkasta kuliyad ayaa loo Soo bandhigayaa wuu qaadanaya wuu baxayaa dhowr qof markay sidaa ku baxeen aniga waxaan dooranayaa kuliyad aan Jaamacada Laga helin waxaa la I leeyahay kuliyadaas ma bixino hadana tu kale ayaan dooranayaa hadana waxaa la I leeyahay Taas ma bixino ugu dambeyn Macalinka ayaa igu qal qaalinayo inaan kuliyado yar yar aan doorto anigana waanka dhaga adeegayaa ilaa aan helo mid aan ku qanco waxaan isku dayayaa kuliyado yar yar oo I anfacayo inaan qaato hadana ma xasuusanayo dookha ayaa iga wareerayo ilaa markii dambe aan jaamacdii kasoo baxo anoon waxba xulan.
