Site icon Daruur درور

Riyada anoo dhex socda labo gabdhood

Su’aasha:

Asc bahda daruur
Jazakaallh
Waxan ku riyooday ani io laba gabdhod io walalhood io walalkey wana ilma yaryar labadii gabdhood mid ka mid eh aya so bax igu dhahde waan so race marki inyar la socday ayaan ka tilaaba dheerey waxan ka daba tagay gabadhi kale ayadane soo labo mana raaceysid aye igu dhahde wan iska dhaga tiray tii kale aya igu dhahde si aan halkan kaga bixiyo hadan aqan wankaga bixin laha ane wan ka cabsi qabay ine igu soo bodo gadal ayan iskaga firinay ayadiine inte soo oroday ku duuf marke is lahed wan u baney waxan so galne dugsi quraan qurux badan wanka tagnay waxana tagne meeshii lo socday waa meel geed timireed badan leh jawigeda aad ayu u ficnay lkn silig yar aya ka sokeyo geedaha intii an ku mashqulsanen gedaha quruxdoda kii ila dhashay aya siliga ka dhex baxay.
Sorry qoralka aya kugu dheerey.

Riyada anoo dhex socda labo gabdhood
Riyada anoo dhex socda labo gabdhood

Jawaabta:

Riyada waxay tilaamaysaa mashaakil oo aad kala kulmi doonto dadka ku ag jooga kuwaas oo kaa mashquulinaya wixii faa’idada kuu ah oo danta ay kugu jirto, marka iska ilaali wixii dhib kuu keeni kara oo dadka kaaga imaan kara.

Dadka aad ku dhex jirto waxaa ku jira dad dhib kula maagan gabadha kugu duufi rabto waxaa laga wadaa qof xumaan kula rabo oo fursad gaadaya.

Meesha geedaha timirta leh waa meel fiican laakin inaad gaarto dadka makula rabaan, oo dad baaa jira hormar iyo guul iyo raaxo aan kula rabin.

Exit mobile version