Site icon Daruur درور

Riyada anoo boosteejo joogo oo salaadda casir iga tagayso

Su’aasha:

Walaal xalay ayaan riyooday
Riyada : waxaan joogay meel boosteejo ah oo baabuurta laga raaco waxaan usocday magaalo kale wakhtiguna wuxu ku dhawaa salaaddii maqrib. Anigoo dhexjooga basaskii oo aan wali midna fuulin ayaa waxaan soo xasuustay in salaaddii casar aanan tukanin oo waliba cudur daar la,aan ay igu dhaaftay! Kadib murugo ayaan dareemay anigoo ka qoomamaynaya salaadda iga tagtay. waxyar kadib nin kirishbay ah oo mid kamid ah gawaadhida basaska ah dhextaagnaa ayaa iyadoo aad mooddo inuu aniga isoo fiirinayo wuxu ku dhawaaqay ” qofkii salaaddii casar ay cudur daar la,aan uga tagtay camalkiisii wuu buray! ” murugadii iyo walwalkii ayaa igusii siyaaaday kadib mid kamid ah basaskii ayaan fuulay anigoo murug dareemaya. Riyadaa ii fasira wll.

Riyada anoo boosteejo joogo oo salaadda casir iga tagayso
Riyada anoo boosteejo joogo oo salaadda casir iga tagayso

Jawaabta:

Riyadan waa digniin waxay tilmaamaysaa in lagaa rabo inaad dib isu saxdo oo aad gadaal u eegto wixii kaa qaldan, waliba haddii aad tahay qof hanti leh oo sako ay hantidiisa ku waajibtay inaadan illaawin sakada inaad siiso dadka saboolka ah, waxaa kaloo riyada ay tilmaami kartaa inaad la kulmi doonto arrin murug kuu keenayso, guud ahaan qofka muslinka riyadan oo kale wuxuu ka faa’idaa digniin iyo feejignaan, marka cibaadada ku dadaal wixii qalad kaa dhaco durbaba ka towbad keen.

Exit mobile version