Site icon Daruur درور

Riyada anigoo madaxtinimo la ii dooranayo

Su’aasha:

asc dhaman walaalaha daruur sln kadib
waxaan mucjiso igu ah xly riyo layaableh baan arkay waxan arkay aniga oo madaxweynaha wadanka la idoranayo waliba aniga majecli mana kumashqulo siyaasad mana dawado mana dhagaysto xataa dadka oo kushekesto ma akfariisto sida aytahay xly waa markii igu horeysay aan arkayo waxa igu dhalisay baa ah dad masakina aya mel kaso sara kadib mel dorasho kasocoto ban somarayna dadka aan so furtay dadkodi buxan hadalka mesha kasocday baa iqancinayn ee kuhadlayeen raga mesha inla dorto uyimid kadib dadki baa so hor istagaya oo leyahay aniga madax weyne eh kaliya waxkale kuma hadlayo waana kataga mesha ayaguna codka dhanba anigay igu shubayan dadki madaxda utartamayana waxay burburinayan moto aan mesha ku imid riyada kumawada dhameystiri karo waa dhertahay marka waxan rabaa mucjisadas inad iso fasirto aniga mahi nin siyasada jecel waxan filaya fasiraad kale inay tahay marka igu caawi shar iyo khayr waxay tahay si aan uga samata baxo haday shar tahay mahadsanid.

Riyada anigoo madaxtinimo la ii dooranayo
Riyada anigoo madaxtinimo la ii dooranayo

Jawaabta:

Riyada waa khayr waxayna tilmaamaysaa darajada aad heli doonto iyo magaca aad yeelan doonto, waxaad noqon doontaa qof magaciisa meel badan gaaraya hanti ama aqoon yeelan doona oo dadkana ay jecel yihiin.

Riyada waa bishaaro aad u ballaaran oo mustaqbalka tilmaamaysa, wayna noqon kartaa inay si toos u furanto oo mustaqbalka aad madaxweyne noqoto  mulkiga Ilaahay baa bixiya qofkuu rabo ayuu madax ka dhigayaa.

Riyada waa riyo  khayr ah ha u malaynin inay shar tahay.

Exit mobile version