Riyada akhriska Quraanka kariimka iyo roobka

Su’aasha:

Asc sheikh wan arka jawabahada shukran allaha ku barakeyo.
Xale ayan ku riyoday ano xafad aan kaso gurne jogo gaari bulug aya mel iiga muqde gariga darawal io nin kale aye ahayen waxena shegen qofke arkan ine si arxan daran gaariga u marsiin doonan ani io ilmo yar aya mel leska arkayo galne wan cabsanay waxan aqriye aayada quraanka

(وَإِذَا قَرَأْتَ الْقُرْآنَ جَعَلْنَا بَيْنَكَ وَبَيْنَ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ حِجَابًا مَّسْتُورًا)

Suratu naas ayan aqriye kidib ninki ani wan arkaayay lkn asaga ima arkin.

Riyo kale aya arke hadane roob aya da’ay oo dhulka nadiif ka dhigay biyahane hal mel aye iskugu tageen hadane waxa imaday rob yar oo xagaa cml eh.
Maxe noqo karta.

Riyada akhriska Quraanka kariimka iyo roobka
Riyada akhriska Quraanka kariimka iyo roobka

Jawaabta:

Riyada waxay tilaamaysaa dad inay jiraan oo cadow kugu ah oo raba inay xumaan kuu gaystaan waxaa kaloo riyada ay wadataa in aad ka badbaadayso haddaad Quraanka akhrisato.

Culimada riyada fasira waxay ku fasiraan akhrista aayado ka mid ah suuratu al-israa inay tahay faraj iyo heshiis iyo barako.

Gaar ahaan aayadda adiga aad aragtay si toos ayay u tilmaamaysaa Quraanka inuu kaa xijaabayo dadka aakhiro aan rumaysnayn waa dadka xunxun.

(وَإِذَا قَرَأْتَ الْقُرْآنَ جَعَلْنَا بَيْنَكَ وَبَيْنَ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ حِجَابًا مَّسْتُورًا)

(markaad Akhriyi Quraanka waxaan yeellaa dhexdaada iyo dhexda kuwaan rumeynin Aakhiro xijaab (dayr) asturan)

Suuratu naas iyadana isla macanahaas ayay wadataa qofkii ku riyoodo asoo akhrinaya wuxuu ka guulaysanayaa cadowgiisa sidoo kale wuxuu helaya nolol degan, waayo akhriskeeda waa magangal la magangalayo Allaha koonka abuuray.

Roobkana waa barwaaqada aad gali doonto iyo xasilloonida.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More