Riyada Aabbe xanuunskiisa oo si kale noqotay

Riyada:

Asc sh. Hadii aad igu xasuusan karto waan ku farxi lahaaa waxan ahay gabadhii abahed xanuunsanayay oo isbitalka yaalay hada kahor waxan kuusheegay inaan ku riyooday qoyska dhan oo wada cunteenaya aniguna aan weelka nadiifinayo waxaana leeyahay Hooyo aabe ayaa idhahay caanaha cab hadii ay timuhu ku daadanayan.

Sh intaa kadib adigu waxad iigu fasirtay riyadaas in uu aabahay caafimaadi doono oo uu kasoo kici doono xanuunkas lagu wada farxi doono cafimadkisa lakin sheikh abahay wuu dhintay riyadiina run ma aysan noqonin maxaa sababay hadii uu abahay dhiman rabo xitaa aniga sabab ayaan riyadaas uugu riyooday hada abahay aan aadka u jeclaa ilama joogo mana arki doono waligay meel cidlo ah ayan kusoo aasnay kagana soo tagnay aad baan u xanuusanaya riyadaasna waan is waydiinaya ilaa hada sababta ay u noqon waysay sidaad iigu fasirtay xitaa hadaanay noqonin maxan ugu riyoonaya anigu why😭

Riyada Aabbe xanuunskiisa oo si kale noqotay
Riyada Aabbe xanuunskiisa oo si kale noqotay

Fasirka:

Walaal Ilaahay ha u naxariisto aabbahaaga, teeda kale qofka xanuunsan riyada tilmaamayso inuu kasoo kacayo xanuunka geeri xataa way tilmaamai kartaa.

Laakin niga ma rabin inaan ku fasiro arrintaas, waayo riyada inta badan waa laga leexiyaa wixii murugo leh.

Teeda kale geerida waa xaq, Ilaahay ha u naxariisto

 

Riyada calaamadda u ah geerida halkan ka daawo

 

Brother, may God have mercy on your father, on the other hand, a sick person’s dream indicating that he is recovering from the pain of death can even indicate it.

But I did not want to interpret it that way, because dreams are often diverted from what is sad.

On the other hand, death is a right, may God have mercy on him

Leave a Reply