Site icon Daruur درور

Riyada aabahay iyo guri qasri ah

Su’aasha:

Asc waad mahadsan tihiin guud ahan webka Allah macak
waxaan ku riyooday xalay anoo aabahay oo bari hore dhintay Allah ha u naxariisto e lajooga guri qasriya oo aad iyo aad u way oo dayrka ku wareegsan aad yaabay waynida oo aad u qurux badan
beerta uu leeyahay oo wada green ah oo dhirta quruxdeeda aad yaabayso
runtii guri sadaa u wayn oo laquraxa aduunka hore ugama arag
aabo oo sariirta ku horda ayaan gurika iska soo furay waan u imid isagoo hurda wuu ila hadlay
kabacdi waxaa noo yimid wiil aan walalo nahay riyada dhexdeeda lkn hada aanan garanayn
waxanu aroortii kawada hadlaynay anagoo beerta wayn ee guriga dhexjoogna hawlo ganacsi
Allah mahadle

Riyada aabahay iyo guri qasri ah
Riyada aabahay iyo guri qasri ah

Jawaabta:

Riyada waxay tilaamaysaa xaaladda aabahaaga, Alle ku mahdi, aabahaaga meel fiican buu joogaa guriga aad aragtay oo qasriga ah wuxuu  tilmaamayaa naxariista uu helay aabahaaga, qofka marka uu arko aabahiisa dhintay oo meel cagaaran jooga oo nolol fiican haysta waxaa laga wadaa inuu jnnada ku jiro, sidaasna ayaan Alle uga baryaynaa.

Exit mobile version