Arrimahan oo kale aad bay u adag yihiin, nolosha noocan oo kale ah ma fududa, waayo qaladaadka raga ay ku dhacaan ayay ka mid tahay xagga tarbiyada iyo doorashada dumarka, maanta reerka oo dhan cadaawad ayaa dhex taalla sixir iyo balaayo ayaa laysku garaacayaa, talo ahaan adiga waxaa kula gudboon inaad reer yeelato oo marka aabbahaaga aad ka wadato meesha, waayo ninkan kama saari kartaan guriga wuxuu idin dhihi karaa aabbahayga ayaa iska leh guriga, marka adiga isku day inaad guursato oo aad meesha ka dhex baxdo dhibtaadada aduunka ma dhammaato, haddii ay jiraan walaalo rag oo reer leh oo kaa weyn inaad kala tashato.