Ragga qaar waxaa jira inta ay dareenkooda xakameyn waayeen u dhaca dhinaca xawayaanada la dhaqdo sida dameeraha Lo’da iyo ariga in ay fuulaan, arintaas diinteena maxay ka tiri teda kale haduu nin u galmoodo xoolaha aan cuno sida ariga iyo kuwa kale xoolahaas ku dhacay shahwadii ninka ma banaan tahay in la cuno ama caaneheeda la cabo.
Mahadsanidiin wllyaal
Jawaabta:
In loo tago xoolaha waa fal khilaafsan fidrada waa dambi foolxun, dameer ama ari ama lo’ ama wax kale wuxuu yahayba xadiis ayaa kusoo arooray oo uu nabigu (SCW) leeyahay:
(ملعون من وقع على بهيمة)
(lacnad ha ku dhacdo qofkii xoolo u taga)
Imaam Axmed ayaa wariyay
Culimada muslimiinta oo dhan way isku raaceen inuu qofkii u galmoodo xayawaan inuu sameeyay fal xaaraan ah.
Laakin waxay isku khilaafeen ciqaabta la marsiinayo adduunyada marka la joogo
Culimada siday u badan yihiin waxay qabaan in la edbinayo oo la garaacayo qaarna waxay dhaheen xadka sinada ayaa la marsiinayaa hadduu yahay qofaan guursanin waa la karbaashayaa hadduu yahay qof guur soo marayna dhagax ayaa lagu dilayaa qaarna waxay qaateen in qofka la dilayo si kaste uu yahay sidoo kale waxaa la dilayaa xoolaha uu u tagay waxayna sheegeen dadka qabo xoolaha sabata loo dilayo in dadka ay dhahaan waa xoolihii sidaas lagu sameeyay.
laakin waxaa xoog badan qofkii falkaas ku dhacay inaan la dalaynin oo la edbinayo oo la garaacayo sidoo kale waxaa xoog badan in neefka aan la dilaynin hilibkiisa iyo caanihiisana waa xalaal.