Raga dareenka badan maxaa daawo u ah lots of men feelings

Raga dareenka badan maxaa daawo u ah lots of men feelings

Su’aasha:

Asc marka hore walaal waad ku mahadsantihin shaqada aad u haysaan bulshada جزاكم الله خير الجزاء
Suaashaydu waxa weeye wll kacsigayga ayaa aad u daran ma siigaysto hada filiman xun xun ma daawado alx , cunto nafaqo lehna ma cuno , xataa xaas waan leeyahah marka talo iyo tusaale isiiya wll .
Mahadsanidin

Raga dareenka badan maxaa daawo u ah
Raga dareenka badan maxaa daawo u ah

Jawaabta:

Marka hore waad ku mahadsan tahay kalsoonida aad siisay webka daruur, marka labaad, dadka aad ayay ugu kala duwan yihiin kacsiga, marka dad waxaa jira xataa haddaysan nafqo cunin oo dareenkkda kacsi aad u daran yahay, marka waxaan kula talinaynaa inaad wax kale aad ku mashquusho kaa yareenyn kara, xaaskaaga marka aad u galmooto xataa ma aha inaad iska badiso galmada si xadka ka baxsan waayo waxn kaste marka uu xadkiiisa ka baxo wuxuu isu rogayaa lidkiisa, marka iska jir inaad si xun aad u samayso galmada, marka ay ugu bbadan tahay maalin kaste hal jeer samee wixii kasii badan waxaa laga yaabaa inay dhib kuu gaystaan mustaqbalka, waxaad isku mashquulin kartaa waxyaalo kale oo kaa jeedin karo dareenka badan ee kacsiga.

Waxa ugu fiican in dareenka badan lagu jabiyo waa guur, xadiis ayaa tilmaamay arrintaas waa kanaa:

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(يَا مَعْشَرَ الشَّبَابِ مَنِ اسْتَطَاعَ البَاءَةَ فَلْيَتَزَوَّجْ، فَإِنَّهُ أَغَضُّ لِلْبَصَرِ وَأَحْصَنُ لِلْفَرْجِ، وَمَنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَعَلَيْهِ بِالصَّوْمِ فَإِنَّهُ لَهُ وِجَاءٌ).

(Dhalinyarooy qofkii awoodo guurka ha guursado, maxaayeelay isagaa aragga u laabid badan farjigana u ilaalin badan, qofkii aan awoodin ha soomo , maxaayeelay wuxuu u yahay gooyn)  Raadraac

 

Sidoo kale naagta ninka way celin kartaa waayo Alle ayaa uga dhigay wax uu ku dego markuu guursado>

Waxaad ogaataa Alle inuu ka abuuray naagta ninkeeda, Xaawo awaxaa laga abuuray nabi Aadan (CS), wuxuu yiri Alle:

{هُوَ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَجَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا لِيَسْكُنَ إِلَيْهَا}

(Eebe waa kan idinka abuuray naf kaliya, kana yeelay xaggeeda haweenaydiisii inuu weheshado)

Wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُمْ مِنْ أَنْفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُمْ مَوَدَّةً وَرَحْمَةً إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ}.

(waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray naftiina Haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiina isjacayl iyo naxariis, taasina waxaa ugu sugan Calaamad qoomkii fikiri)

Naagaha ugu fiican waa kuwa sifooyinkan leh Wuxuu leeyahay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee)

(خَيْرُ نِسَائِكُمْ مَنْ إِذَا نَظَرَ إِلَيْهَا زَوْجُهَا سَرَّتْه، وَإِذَا أَمَرَهَا أَطَاعَتْهُ، وَإِذَا غَابَ عَنْهَا حَفِظَتْهُ فِي نَفْسِهَا وَمَالِهِ).

(Haweenkiina waxaa ugu khayr badan midda markuu ninkeeda eego ay farxadgaliso, markuu amrana adeecda, markuu ka maqanaadana nafteeda iyo maalkiisa ilaalisa)

 

Dareenka Iyo Kacsiga Badan Maxaa Lagu Xalinkaraa?

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More