Qudba siradu ma xalaal baa mise waa xaaran

Su’aasha:

Awalan iga raali noqo shiiqow hadaan su aalaha kugu badiyey waayo inaa wax ka faa idna jeclahay waxaan ku weydiina qudba sirada xukunkeedu muxuu yahay culimada qaar way xaaraantimeeyaan qaarna way xalaaleeyaan mida kale guurka masaafada laysla tagaayo asagana xalaal miyaa mise xaaraan maxayse ku kala duwan yihiin kan masaafada iyo qudba sirada.

Qudba siradu ma xalaal baa mise waa xaaran
Qudba siradu ma xalaal baa mise waa xaaran

Jawaabta:

Walaal ku soo dhowow webka wax dhib ma laha su’aal kaste waad noo soo diri kartaa.

Qudba sirada waxaa loo yaqaanaa guurka gabadha aan dadkeeda ogeyn dadka soomaalidana aad bay u sameeyeen.

Mas’alada faahfaahin dheeraad ayaa ku jirta  culimada badankooda waxay qabaan in naagta aan la guursan karin wali la’aan, nikaaxa ma ansaxayo wali la’aan, waxaana ugu horreeya dadka waliga noqon kara aabbaha waxaa ku xiga awoowaha waxaa ku xiga wiilka waxaa ku xiga walaalka isku hooyo iyo isku aabbe ay yihiin waxaa ku xiga walaalka isku aabbaha ay yihiin kaddib ilmahood kaddib adeerka sida kutubta fiqiga ku cad.

Mad’habkan waxaa qaba sedexda madaahib, Maaliki iyo Shaafici iyo Xanbali, oo ka mid ah afarta mad’hab ugu waaweyn islaamka, waxay daliilsadeen adillo badan waxaa ka mid ah:
Xadiiska oranaya:

(لا نِكاحَ إلا بوليٍّ)

(nikaax ma jiro wali la’aan)

iyo xadiiska oranaya:

(لا تزوِّجُ المرأةُ المرأةَ ولا تزوِّجُ المرأةُ نفسَها فإنَّ الزَّانيةَ هيَ الَّتي تزوِّجُ نفسَها)

(Haeeney haweeney ma guuriso haweeneyna nafteeda ma guuriso midda dhillada ayaa nafteeda guurisa)

Laakin Abuu Xaniifa ayaa khilaafay wuxuu fasaxay naagta inay iyada is guurin karto waligeedana wuxuu diidi karaa nikaaxaas haddii ay guursato qof aan u qalmin xagga diinta ama nasabka ama maalka, waligeeda nikaaxa waa fasakhi karaa, haddii shuruudahaas ay khilaafto.

Wuxuu daliilsaday Abuu Xaniifa aayadahan oo ah:

(فَإِذَا بَلَغْنَ أَجَلَهُنَّ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ فِيمَا فَعَلْنَ فِي أَنفُسِهِنَّ بِالْمَعْرُوفِ)

(markay gaadhaan mudadoodana wax dhib ah idinkama saarna waxay ku falaan naftooda oo wax wanaagsan ah)

 (وَإِذَا طَلَّقْتُمُ النِّسَاءَ فَبَلَغْنَ أَجَلَهُنَّ فَلَا تَعْضُلُوهُنَّ أَن يَنكِحْنَ أَزْوَاجَهُنَّ إِذَا تَرَاضَوْا بَيْنَهُم بِالْمَعْرُوفِ)

(Haddaad furtaan Haweenka oo ay gaaraan muddadooda ha u diidina inay guursadaan nimankooda hadday si wanaagsan ay raalli  isugu noqdaan)

(حَتَّىٰ تَنكِحَ زَوْجًا غَيْرَهُ ۗ)

(Ilaa ay ka guursato nin kale)

Mad’habkiisa wuxuu leeyahay: aayadahan waxay tilmaamayaan naagaha inay iyaga is mehrin karaan maxaayeelay ereyga nikaaxa iyo zawaajka iyagaa loo tiiriyay taas waxay tilmaamaysaa naagta inay mas’uul iska noqon karto.

Waxaa kaloo ay daliilsadeen xadiiska oranaya:

(الأيِّمُ أحقُّ بنفسِها من وليِّها)

(garoobta iyadaa nafteeda  kagaga xaq badan waligeeda)

Wuxuu leeyahay mad’habkaan naagta hanti way milkin kartaa waxna way iibsan kartaa waxna way gadi kartaa danteedana way garanaysaa, marka way is guurin kartaa. Si kaste ha ahaatee mas’alada waa mas’alo khilaafi ah oo culimada hore ay isku khilaafeen, dadka ku dhaqma hadda mad’habka xanafiga sida dalalka turkiga iyo hindi iyo bakistaan iyo dalal kale nikaaxooda waa sax maxaayelay wuxuu ku tiirsan yahay mad’hab ka mid ah madaahibta afarta ah.

Sidoo kale marka aan usoo laabano guurka masaafada ah, marka la eego mad’habka Abuu xaniifa wuxuu noqonayaa guur sax ah haddii la helo shuruudaha Abuu Xaniifa u dejiyay oo aan hadda soo tilmaamay, laakin culimada kale waxay u arkaan inuu yahay nikaax baadil ah aan ansixin, maxaayeelay wuxuu waayay shardiga waliga.

Marka guurka khudbasireedka ama khudba sirada ama guurka qarsoodida hadduu wali wato laakin nikaaxa dad kale kaliya laga qariyay arrintaan masoo galayo, dad badan ayaa u yaqaana khudbasirada guur la qariyay wuxuu ahaadaba, qaar ayaa naagtooda ka qariya guurka laag labaatan markay guursadaan, waxay ku magacaabaan qudbo siro.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More