Site icon Daruur درور

Qoyskeyga maxan ka sameeyaa ila taliya

Su’aasha:

Ascww waxan raba inad talo idinka helo waaxan ahay gabar dhalin yaro ah qoys keyga sida walalheey waa reer aad u buuq badan malin walba wax ba laga murmaa wax walba oo iska basiid ah na madax xanun muran qeylo ayey ka dhaliyaan qof walba oo rer keyga ka mid ah wuu isla saxsan yahay wuxu doono ayuu ku dhahaa wax walba oo dhib iyo dheef ah aad ayey ugu falceliyaan siiba gabdhaha reer ka qofwalba madax ayuu isku maleya qofka gar iyo gardaro ma qaadato isdifaac mooyee anigana aad ayan u daalay sidan isku lahaa war yuu kaa tagin ayan madaxa ka daalay wax walba oo happy ka dhigi karo wan u sameeyaa beerkeyga ayn u dhigay hadana buuq iyo qeylo ma dhamaato dadka banan ka qoys keena ka ah dhib ma gaarsiino lakin anaga dhex deena aya qalbiga iska jabino. Mida ila dhalatay waxy dhibi jirtay walashena markey wadan kale u guurtay na aniga ayey igu soo mareegtay oo dhib igu bilowday caruurnimadeyga ayey iga burburisay waxay xusustaa iyada oo I dhibaysa dharkeyga xoog iga qaadanaysa hoose iga caayeysa ayey cid iga celinin hoyadena way ogeed balse iyadaaba sii caroon jirtay oo la baryi jiray hada markii la weynaday wax an saa u sii badneyn bey isbadashay lakin qalbiga igama jecla marwalba waxay ii aragtaa inan qaldanahay labo qof haday hadasho aniga ayey i eedeysaa. Mar uun waxan rajeeya inan meel ama labo wadan ku kala noolano ama ku kala nafisno oo salan ta iyo walaltinimo un lee noo dhaxeyso iyadoon qofna gocosho daremin wan ogahay xaqa ay isku leeyihiin qeys ka. Hadana aniga ma rabo inan waxii dhacay iyo tan hada inan kusii jiro nolosha way gaaban tahay inan nolol wanagsan noolado ayan raba anigoo qof dhibateyn. Waxan sameya oo ugu fudud walal.

Qoyskeyga maxan ka sameeyaa
Qoyskeyga maxan ka sameeyaa

Jawaabta:

Xaalada aad sheegtay waxaad kaga bixi kartaa inaad ku dadaasho guur, inaad aqal gaar kuu ah aad yeelayo, markaas dadka qaraabada salaanta ay idin ka dhexayso, wixii aad u awooddana aad siiso qaraabo xiriiris ahaan.

Dadka markay sidan yihiin qofka waa ku rafaadayaa.

Exit mobile version