Site icon Daruur درور

Qoyaanka farjiga xaaska ma nijaas baa

Qoyaanka farjiga xaaska ma nijaas baa

Su’aasha:

Waxan rabaa inaan ogaado qoyaanka haweenka marka ninka galmada ku jiro oo marada ku hallabaya ma nijaas baa, siiba marka ay xaaska leedahay qoyaan badan teeda kale manida ma nijaas baa? teeda kale ninka ma leefi karaa siilka xaaskiisa ama kintirka?

Qoyaanka farjiga xaaska ma nijaas baa
Qoyaanka farjiga xaaska ma nijaas baa

Jawaabta:

Qoyaanka farjiga guud ahaan hadduuna kaadi ahayn waa daahir sidaasna ayay u badan yihiin culimada ninka iyo naagta marka ay isu galmoonayaan waxaa ku hallaaba marada qoyaan ama dhacaan dhacaankaas naagta farjigeeda waa daahir, laakin kuulatada ninka waa nijaas oo aan gaarsiinayan kaadida waxaa ku filan in biyo lagu rusheeyo.

su’aasha labaad manida ninka ama naagta ma nijaas baa?

Culimada way isku khilaafeen Axnaafta waxay qabaan shahwada ninka inay nijaas tahay  shaaficiyadana waxay qabaan inay manida daahir tahay  waxaana xoog badan inay daahir tahay marka daliiladooda laysu barbardhigo.

su’aasha kale oo ah ma ninka ma u banaan tahay inuu leefo xubinta taranka naagta?

Su’aashan waxay ka mid tahay su’aalaha ugu doodda badan qofka ugu horreeya ka hadlay waa nin caalim ahaa oo noolaa qarniga seddexaad hijriga oo yiri ninka way u banaan tahay inuu carrabkiisa ku leefo kintirka, hadalkanna waxaad ka heli kartaa tafsiirka qurduabi suraatu almu’minuun fasirka aayadda:

(وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ( * )إِلَّا عَلَى أَزْوَاجِهِمْ أوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ( * )فَمَنِ ابْتَغَى وَرَاءَ ذَلِكَ فَأُوْلَئِكَ هُمُ الْعَادُونَ) [المؤمنون:5-7]

Waagii hore arrinkaan ma jirin laakin hadda ayuu soo batay culimada samankan way isku khilaafeen dad waxay dhaheen hadday meesha nadiif tahay ninka wuu leefi karaa haddaysan nadiif ahayn ma u bannaana, dadna way diideen oo waxay dhaheen qofka siduu u leefaa meel qurun ah oo wasakh kasoo baxo iyagoo leh waxaa laga qaadayaa jiro qofka marka uu meesha carabka la aado, qaarna waxay kala saaraan gudaha camarka (siilka) iyo faruuraha iyo kintirka gudaha way diidaan faruuraha banaanka iyo kintirkana way ogol yihin, waxaa haboon qofka inuu ka fogaado leefida meelahaas waayo inta badan waa meel bakteeriya yeelan karta sidoo kale ma aha meel carabka ku habboon, ma aha wax kaste samankan la sameeyo inuu fiican yahay dhaqamo yaab badan ayaa kusoo biiray galmada sida leefida dabada ama futada oo kale raaxada sidaas ma aha raaxada waa inaad u dhaqanto qaab dabiici ah, waxyaalaha qaarkooda waxay kugu ridayaan meelo aadan ka bixi karin marka wixii xalaal cad ah ayaa kugu filan, wixii shubho ku jrto iska ilaali.

الرطوبة الخارجة من فرج المرأة (مسلك الذكر)؛ لا تنقض الوضوء، وهذا اختيار ابن حزم، وابن عثيمين
الأدلة:
أولا: من الكتاب
عموم قول الله تعالى:وما جعل عليكم في الدين من حرج [الحج: 78]
وجه الدلالة:
أن في نقض الوضوء من رطوبة فرج المرأة حرجا ظاهرا؛ وذلك لأن الرطوبة من طبيعة الفرج، والبلوى به عند النساء عامة.
ثانيا: من السنة
عن أم عطية رضي الله عنها قالت: ((كنا لا نعد الكدرة والصفرة شيئا ))
وجه الدلالة:
أن عموم الأثر يدل على أنهن كن لا يعتبرن ما يخرج بعد الحيض شيئا، لا من حيث النجاسة، ولا من حيث نقض الوضوء.
ثالثا: أنه لم يأت قرآن, ولا سنة صحيحة, ولا إجماع بإيجاب وضوء في شيء من ذلك, ولا شرع إلا ما أوجبه الله تبارك وتعالى، وأتانا به رسوله صلى الله عليه وسلم

المصدر

فالإفرازات الخارجة من فرج المرأة على أقسام، فمنها: المذي وهو كما عرفه العلماء سائل أبيض رقيق يخرج عند الشهوة ولا يعقب خروجه فتور، ولا يكاد يشعر به غالباً وهو عند النساء أكثر منه عند الرجال، ويخرج عادة عند الملاعبة أو التفكير في أمر الجماع، وهو نجس اتفاقاً، ويجب الوضوء منه اتفاقاً، ويجب غسل ما أصاب البدن والثياب منه..

Ninka ma dhuuqi karaa xubinta taranka naagtiisa ?

Exit mobile version