Site icon Daruur درور

Qoyaan aan ka shakiyay inuu musqusha iga soo gaaray salaadeyda ma ansaxaysaa

Su’aasha:

Asc anigo musqusha kujiro surwal aan xiranayay Mel musqusha jirjirkeda ah ee tuujiga banankisa ah qoyaan Aya kuyalay marka surwalka mesha agteda ayuu maray inu tabtay iyo inkale Ayan kashakiyay qoyan Ayan ku arkay lakin wan qabeystay markas gacmaheygana biyo ayay lahayeen
Marka wan Kala sari wayay ma mesha ayuu tabtay ba ma gacmaheyga kadibna wan iska xirtay casar magrib Ayan kutukaday anigo kashakisan marka salaadaha maso qaleya Mise WA waswas Ayan iskadhaha

Qoyaan aan ka shakiyay inuu musqusha iga soo gaaray salaadeyda ma ansaxaysaa
Qoyaan aan ka shakiyay inuu musqusha iga soo gaaray salaadeyda ma ansaxaysaa

Jawaabta:

Marka hore qoyaankaas yaqiin miyaa inuu nijaas yahay intaadan ka shakinin inuu ku taabtay iyo kale?

Waxaan ku leeyahay waxaas oo dhan waa waswaas marka salaadaha aad tukatay waxba hasoo celinin, dhowr jeer ayaan kaaga sheekeeyay shiydaanka habka uu dadka u waswaasiyo.

Qoyaanka gacantaada ayuu lahaa sida hadalkaaga ka muuqata marka maxaa u shakinaysaa, teeda kale xataa hadduu yahay qoyaanka aad sheegtay yaqiin miyaa inuu nijaas yahay, marka shaydaanka iska naar.

Exit mobile version