Site icon Daruur درور

Qofka wax fog aan arkin waxa lagu daaweeyo

Su’aasha:

Waxaan ahay ardey dhigta jaamacad waxaa i haysata dhibaato dhanka araga ah oo aanan cashirka ka arkeynin meel ka durigsan Samurada agreed! Dhibaato/xanuuna kama dareemo indhaha oo waxaan iska ahey qofka araga fayow oo kale! Dhibkana waxa uu I heystay waligeyba ilaa yaraan laakiin ma dareemin intaanan waxbarasho galin kahor hadana waalidkey lama wadaagin Arinkan hada kahor !! Waana arin I dhibtey marka waxaan qabaa inaan kusoo dhashey!! Marka arinkaas wax Dawo/fudeydin ah ma leeyahey???? GOOD LUCK!!

Qofka wax fog aan arkin waxa lagu daaweeyo
Qofka wax fog aan arkin waxa lagu daaweeyo

Jawaabta:

Arinta ku haysata waa arin caan ah, dad badan ayay haysataa, meel fog wax kama arkaan, waxaa kaga furmaya caweer, taas waxaa lagu xallin karaa muraayad ama okiyaale ama indhagashi, dhakhtarka indhaha u tag wuxuu kuu qoraya darajada aad u baahan tahay, wixii fog toos ayaad u arkaysaa.

Sababaha keena argtida gaaban aad bay u badan yihiin waxaa ugu muhimsan qofka inuu iska badiyay iftiin inuu meel mugdi wax ku fiirsado waxaa kaloo uu noqon karaa dhaxal ama vitamiinada qaar inay jirka ka maqan yihiin.

Teeda kale ku dadaal qudaarta siiba karootada indhaha yay u fiican tahay.

Exit mobile version