Site icon Daruur درور

Qofka filinka xun ku biyabaxo iyo kan gacanta farqiga u dhexeeya

Su’aasha:

Waxaan go’aansadey inaan iskadaayo filimada xun xun ee aan fiirsanjirey hada mudo bil ku dhawaad ma aanan fiirsanin anigane siigo waxaan u aqaanaa marki aad shaambo soo qaadato aad is garaacdo anigane taas masameyn jirin oo waxaan fiirsan jirey filimada xun xun biyaha anoo sariirteyda saaran ayey iga imaan jireen
marka hada waxaan rabaa inaan awoodeyda dib usoo celiyo hadii aan bishi 1 mar siigeysto wax miyey iidhibeysaa oo aan qooqa iskaga yareeyo jawaab wacan.

Qofka filinka xun ku biyabaxo iyo kan gacanta farqiga u dhexeeya
Qofka filinka xun ku biyabaxo iyo kan gacanta farqiga u dhexeeya

Jawaabta:

Waa go’aan aad u fiican waxaa lagaa rabaa inaad ku sugnaao go’aankaas, waxaad ogaataa haddii biyaha ay kaaga baxaan filin qaawan inay siigo tahay, maxaayeelay waxay u dhigmaysaa arintaas adoo gacantaada ku bixinayo, waliba siigada caadiga ayay ka dambi badan tahay daawashada filinka galmada, illeen dad qaaqaawan cowradooda ayaad daawanaysaa waana xaaraan inaad daawato, sidoo kale waxaad daawanaysaa sino cad.

Teeda kale siigada dhibka ay kuu geysato kaliya ma aha mid jirka waxyeelo kaa gaarsiinaya, siigada nafta ayay dhaawacdaa waxay kaa dhigaysaa qof aan isku kalsoonayn, qof dadka aan waajihi karin, qof yaxyax badan, sidoo kale marka aad guursato naagtaada wax kama tari kartid haddaad ahayd qof siigada horay usoo bartay, marka ka fogow siigada, haddii biyahaaga ay bataan hurdo ayay kaaga baxayaan.

Filinka wuxuu sii dheer yahay siigada caadiga ah maskaxda ayuu kaa qabsanayaa waxaad noqnaysaa qof aan naag xalaal ah u kacsan karin marka aad guursato waxaad u baahanaysaa inaad fiirsato filin xun si aad u kacsato, waxaa kaa hallabayso fidrada, niyadjab iyo xumaan ayaad ka qaadaysaa.

Naagtaada ayaad nacaysaa waxaad rabtaa naagaha aad daawatay inaad la raaxaysato maskaxdaada oo dhan waxaa ka buuxsamaya xumaan iyo fikir qaloocan xagga raaxada.

 

Filimada xun qaabkeen isaga reebi karaa talo i siiya

 

يقول تعالى ناهيا عباده عن الزنا وعن مقاربته وهو مخالطة أسبابه ودواعيه ( ولا تقربوا الزنا إنه كان فاحشة ) أي ذنبا عظيما ( وساء سبيلا ) أي وبئس طريقا ومسلكا

أنَّ غلامًا شابًّا أتى النبيَّ صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّم فقال : يا نبيَّ اللهِ أتأذنُ لي في الزنا ؟ فصاح الناسُ به , فقال النبيُّ صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّم قَرِّبوهُ , ادْنُ فدنا حتى جلس بين يديْهِ , فقال النبيُّ عليه الصلاةُ والسلامُ : أتحبُّه لأُمِّكَ فقال : لا , جعلني اللهُ فداك , قال : كذلك الناسُ لا يُحبُّونَه لِأمَّهاتِهم , أتحبُّه لابنتِك ؟ قال : لا ، جعلني اللهُ فداك قال : كذلك الناسُ لا يُحبُّونَه لبناتِهم , أتحبُّه لأختِك ؟ وزاد ابنُ عوفٍ حتى ذكر العمَّةَ والخالةَ , وهو يقولُ في كلِّ واحدٍ لا , جعلني اللهُ فداك , وهو صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّم يقولُ كذلك الناسُ لا يُحبُّونَه , وقالا جميعًا في حديثِهما – أعني ابنَ عوفٍ والراوي الآخرَ – : فوضع رسولُ اللهِ صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّم يدَه على صدرِه وقال : اللهمَّ طهِّرْ قلبَه واغفر ذنبَه وحصِّنْ فَرْجَه فلم يكن شيءٌ أبغضَ إليه منه . مصدر

قُل لِّلْمُؤْمِنِينَ يَغُضُّوا مِنْ أَبْصَارِهِمْ وَيَحْفَظُوا فُرُوجَهُمْ ۚ ذَٰلِكَ أَزْكَىٰ لَهُمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا يَصْنَعُونَ (30)

وَقُل لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا مَا ظَهَرَ مِنْهَا ۖ وَلْيَضْرِبْنَ بِخُمُرِهِنَّ عَلَىٰ جُيُوبِهِنَّ ۖ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا لِبُعُولَتِهِنَّ أَوْ آبَائِهِنَّ أَوْ آبَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ أَبْنَائِهِنَّ أَوْ أَبْنَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي أَخَوَاتِهِنَّ أَوْ نِسَائِهِنَّ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُنَّ أَوِ التَّابِعِينَ غَيْرِ أُولِي الْإِرْبَةِ مِنَ الرِّجَالِ أَوِ الطِّفْلِ الَّذِينَ لَمْ يَظْهَرُوا عَلَىٰ عَوْرَاتِ النِّسَاءِ ۖ وَلَا يَضْرِبْنَ بِأَرْجُلِهِنَّ لِيُعْلَمَ مَا يُخْفِينَ مِن زِينَتِهِنَّ ۚ وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَ الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ     

(Waxaad ku Dhahdaa Mu’miniinta Ha Laabeen Indhahooda (Daymada Reeba) hana ka Dhawreen Furuujtooda (Zinada) saasaa u Wanaagsan, Eebana wuu Ogyahay waxay Sameyn. *

Waxaad ku Dhahdaa (Haweenka) Mu’minaadka ah, (Xaqa Rumeeyey) Ha Laabeen Indhahooda hana Dhawreen Farjigooda Muujininna Quruxdooda wax Muuqda Mooye, Hana ku Dadeen Hagoogtooda dhuuntooda, yayna u Muujin Quruxdooda Ragooda Mooyee, iyo Aabayoowgood iyo Ninkooda Aabihiis, iyo Wiilashooda iyo Wiilasha Nimankooda iyo Walaalahood iyo Wiilasha Walaalahhod, iyo Wiilasho (Gabdhahay) Walaalaha yihiin, iyo Haweenkooda (Muslimka ah) ama waxay Hanato Midigtoodu (Gacantoodu) ama kuwa Raaca een Dan Lahayn (Hawood u Lahayn) oo Ragga aha ama Caruurta aan Fiirsanayn Cawrada Haweenka, Yeyna kuna Garaacin Lugahooda (Dhulka) in la Ogaado waxay Qarin oo Quruxdooda ah, una Toobad keena (U Noqda) Xagga Eebe Dhammaan Mu’miniineey waxaad u Dhawdihiin Inaad Liibaantaane.)

Exit mobile version