Qofka dhintey sawirkiisa mala heysan karaa

Qofka dhintey sawirkiisa mala heysan karaa

Su’aasha:

Asc dhamman walaalaha daruur waan idiin salaamey salaan ka dib waxaan rabaa inaan idiin weydiiyo suaal kusaabsan sawirka qofka dhintey hadii aan sikale udhigo qofka dintey sawirkiisa in la heysto oo gallery kuugu jiro ama Facebook laso dhigo diinta maxay ka qabtaa ma wax wanaagsn baa mase waa wax qofka dhintey ay saameeyn ku yeelaneyso jawaab wngsn.

Qofka dhintey sawirkiisa mala heysan karaa
Qofka dhintey sawirkiisa mala heysan karaa

Jawaabta:

Qof dhintay iyo qof noolba sawirkooda waa isku mid, hadduu meel yaallo oo aan la caabudaynin sida hindida ay samayaan,  wax dhib ma laha midda kale sawirka ayay ku xiran tahay qaabka uu yahay, hadduu sawirka uusan ahayn sawir anshax xun wax dhib ma laha inuu qofka meel ku hayo, mana aha inuu darbiga suro, maaxaayelay taas waxay tilmaamaysaa weynayn, laakin meel wuu ku keydin karaa haddii ay jirto ujeeddo gaar ah, sawirada internetka sida Facebook iwm. ah iyagana waxay soo raacayaan kuwa caadiga ah qaabka loola dhaqmo.

Teeda kale sawirka gacanta lagu sawiro iyo sawirka camerada culimada way kala saareen,  sawirka waxyaalo badan ayuu tari karaa marka la rabo arrin in la sugo sida baasaboorka iwm.

Anoo umul ah ayaa janaabo igu dhacday qubeys maa igu waajibayo

The image of a dead person and a living person is the same, if it is in a place that is not worshiped as the Indians do, it does not matter, the other depends on the shape of the image, if the image is not a bad moral image, it does not matter if the person keep it somewhere, and it doesn’t have to be hung on the wall, where it means to enlarge, but it can save somewhere if there is a special purpose, pictures on the Internet like Facebook etc. and they follow the normal way of being treated. On the other hand, the photo taken by hand and the photo taken by the camera have been separated by the scholars.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More