Site icon Daruur درور

Qof sooman hadana galma fiirsanaya

Qof sooman hadana galma fiirsanaya

Su’aasha:

asc dhaman walaalaha daruur dhaman saln kadib
waxa rabaa inaan idin weydiiyo qof soman hadu galmo daawado sonkiisa maburayaa.

Qof sooman hadana galma fiirsanaya
Qof sooman hadana galma fiirsanaya

Jawaabta:

Qofka soomaan hadduu galmo daawado wuxuu la yimid dambi fool xun, waxaa laga yaabaa inuu soonkiisa ajar ka heli waayo, maxaayeelay qofka soomaan waxaa la amray inuu ka fogaado wax kaste soonka dhib u keenaya shaki kama taagna filimada xunxun inay soonka dhaawac weyn u geysanayaan, qofka daawanaya soonkiisa wuxuu ka faa’idaa kaliya gaajo iyo oon.

Sidoo kale soonka hadafka loo jideeyay waa taqwada Alle wuxuu yiri Ilaahay:

 

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ}

[البقرة: 183].

(Kuwa xaqa rumeeyow waxaa laydinku waajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyay si aad u dhawrsataan).

Daawashada filimada galmada mar kaste waa xaaraan qofka ha soomanaado ama yuusan soomanaanin, laakin qofka marka uu sooman yahay ayay ka daran tahay fiirsasada, maxaayeelay wuxuu jabiyay xurmada bisha Ramadaan, qofka soomaan waxaa la faray inuu ka fogaado wixii fuxshi ah, wuxuu yiri rasuulka (SCW):

 

(الصيامُ جُنَّةٌ ، فإذا كان أحدُكم صائمًا فلا يَرفُثْ ولا يَجهلْ ، فإنِ امْرُؤٌ شاتَمَه أو قاتَلَهُ فَليَقُلْ إنِّي صائمٌ)

(Soonka waa gaashaan, hadduu midkiina sooman yahay yuuna xumaan ku hadlin (hadal galmo ama caay) yuuna qalad galin, haddii qof caayo ha yiraahdo waan soomanahay)

waxaa wariyay Bukhaari iyo culimo kale RD.

Qofka hadduu daawado asoo sooman filin xun markaas uu dhacaan ka yimaado culimada qaar soonkiisa waxay u arkaan inuu jabayo qaarna uma arkaan, laakin haddii uu biyabaxo shaki kama taagna inuu ka jabayo, iankastoo culimada fiqiga waa hore ay sheegeen qofka eegmada ku biyabaxay soonkiisa ma jabayo, laakin iyaga kama hadlaynin filimada galmada, ee waxay ka hadlayeen naag qofkii arko oo sidaas ku biyabaxo, laakin filinka galmada wuu ka duwan yahay, wuu dhowaanayaan dareenka sida qofka soo galmo samaynaya oo kale, qofkii ku biyabaxo soonkiisa wuu buraa.

Exit mobile version