Site icon Daruur درور

Qof gaal ah xoolihiisa mala xadi karaa

Su’aasha:

Asc dhamaan walaalaha daruur iyo dhaman musliminta melwalba aad jogtan salan kadib
waxa rabaa inaad ishegtan qof gaal ah oo lo shaqeeqo xoolihiisa wax ma laga xadi karaa bal suashana kaso jawaaba bal somalidena diinta qalad bay kafahansan yihiine ma ubanaan tahay gaalkaas inu kaxado alabta ama lacagtaba.

Qof gaal ah xoolihiisa mala xadi karaa
Qof gaal ah xoolihiisa mala xadi karaa

Jawaabta:

Xatooyada ama tuuganimada waa xaaraan waana dambi weyn, qofka muslinka uma bannaana inuu wax ka xado gaal ama muslin, marka gaalka aad u shaqaynayso amaano ayaa idinka ka dhexeysa wax kama xadi kartid, haddii aad ka xaddo dami ayaad gashay waana laguu ciqaabayaa maalinta qiyaame, midaas layskuma haysto, qof culimada ka mid ah banneeyay ma jiro in gaal hantidiisa la xado marka uu ka dhexeeyo isaga iyo muslinka tacaamul shaqo ama wax kale.

Exit mobile version