Site icon Daruur درور

Qof addoonteyda ma u galmoon karaa?

Su’aasha:

Inkastoo waqtigan aysan jirin is adoomeysi dadka dhexdiisa hadana waxaan culuma badan ka maqlay markay xadiisyada warinayaan in ay dhahaan ha u dhawaanina intaan ka ahayn xaasaskiina iyo adoontiina marka waxaan rabay hadaad cilmigaas igu dhaantaan inaad iisheegtaan waagii hore ninku haduu addoon lahaa wuxuu rabo miyuu ka sameysan jiray jwb deg deg ah Insha alalah.

Qof addoonteyda ma u galmoon karaa?
Qof addoonteyda ma u galmoon karaa?

Jawaabta:

Qof addoomey uusan lahayn uma galmoon karo wuxuu kaliya u galmoon karaa addoonta isaga milkigiisa ah, sidaasna Quraanka ayaa sheegay, Alle wuxuu yiri markuu ka hadlayay sifooyinka dadka mu’miniinta:

(وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ   * إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ) ‎

(Oo ah kuwa Furuujtooda Ilaaliya * Haweenkooda iyo waxay Hanatay Gacantoodu mooyee, laguma Dagaalo Taas).

Haddii qofka uusoo gato addoomey ama qof kale uu hadiyad ahaan u siiyo ama qaniimada laga siiyo, wuxuu sugayaa hal jeer inay dhiiga caadada ka dhaqato markaas wuu u galmoon karaa.

Hadda adduunka kama jirto arintaas haddii jihaad dhab ah oo ku taagan islaamka saafiga ah uusoo noqdo way soo noqonaysaa, waa xukun aan la nasakhin.

Kaliya duruufaha musliniinta iyo awoodda gaalada ayaa saameeyay.

Exit mobile version