Naag indoonishiya ah ayaa u timid inay ka shaqeyso magaalada riyaad ee dalka sacuudiga.

Waxaa loo keenay inay guriga ka adeegto xagga nadaafadda iyo cuntakarinta.
Naagta markii la keenay waxay bilowday inay musqusha kusoo daahdo, maalinta koowaad musqusha ayay gashay muddo ayay ku jirtay.
Maalinta labaad sidoo kale. Markay musqusha gasho muddo ayay kusoo jiraysaa.
Usbuuc markay arrintaas sidaas ahayd maamada guriga ayaa naagtii weyddiisay waxay ku tiri adiga saad u timid musqusha dhowr jeer ayaad gashaa waadna kusoo daahdaa maxaa jiro miyaad xanuunsan tahay.
Naagtii waxay tiri maya xanuun ima hayo.
Laakin waa duruuf I haysata. Waa arrin aan la sheegi karin.
Maamada ayaa ku adkaysatay waxay tiri: ii sheeg wax dhib majiro waa lagaa caawinayaa wixii dhib ku haysto.
Markaas waxay tiri : waxaan kasoo tagay cunug afar maalmood dhalan. Marka caanaha naasaha kasoo buuxsamaan naaska ayay iga xanuujiyaan. marka ay igu bataan ayaan musqusha galaa waan soo lisaa.
Taas muddo ayay iga qaadanaysaa. Waayo caanahayga aad bay u badan yihiin.
Shaqada duruuf ayaa ii geysay inaan kasoo tago cunuggayga oo aan shaqo usoo baxo. fursaddaas oo kale ma heli karin. Sidaa awgeed ayaan usoo baxay.
Naagta sacuudiyaanka guriga iska lahayd waxaa la sheegay inay qabtay cudurka kansarka. mar kaste waa laga daaweyn jiray.
Markay ka maqashay gabadha shaqaalaha oo duruuftan adag u timid iyadoo u baahan inay la joogto ilmaheeda oo ay nuujiso waxay ku tiri waxaan ku siinayaa lix bilood fasax sidoo kale lix bilood mushaarkooda ee tag cunuggaaga lasoo joog lix bilood haddii aad rabto ku darso waqti.
Gabadhii ayaa ooysay farxad awgeed. Waxay aadday dalkeeda indooniishiya.
Waxay u tagtay cunuggeeda iyadoo faraxsan. Dadkeedana ay aad ula yaabeen.
Marka hore waxay u qaateen in shaqada ay kasoo tagtay oo cidda ay soo eryeen. Maxaayeelay waa waqti yar laba isbuuc uma dhamaanin.
Laakin islamarkii waxay u sheegtay wixii dhacay
Aad bay ugu farxeen waxa ay u samaysay naagta sacuudiyaanka.
Waxaa la sheegay naagta sacuudiyaanka mar kaste dhakhtarka ayay u tagi jirtay cudurkeeda la socon jiray.
Marka tookadan ay dhakhtarka u tagtay wuu baaray wuxuu ka waayay jirkeeda cudurka. wuu yaabay. Wuxuu yiri cudurka kansarka waan ka waayay jirkaaga.
Wuxuu yiri maalin kale iisoo laabo baaritaan kale ayaan samaynayaa si aan u hubiyo.
Dhowr maalmood kaddib ayay kusoo laabatay dhakhtarka.
Wuu baaray haddana waa negativ.
Wuxuu yiri cudurka kansarka ku hayay wuu kaa baxay. Waad ka caafimaadday.
Ma dawooyin kale baad isticmaashay mise wax kale ayaa jiro.
Islaantii ayaa ku tiri maya ma isticmaalin daawo kale.
Wax kalana ma samaynin.
Dhakhtarka wuxuu ku yiri: waxaan u jeedaa wax mucjiso inay dhaceen.
Way adag tahay kansarka si fudud inuu ku tago.
Ee soo xusuuso wixii aad samaysay.
Maamadii maba u malaynayso arinta ay u samaysay naagta shaqaalaha oo kurbada haysay.
Ugu dambeyn dhakhtarka waxay u sheegtay arrinta ay u samaysay naagta shaqaalaha.
Dhakhtarka wuxuu yiri taas ayaa sabab u ah.
Sadaqadaas darteeda ayaad ku caafimaadday.
Gabadhaas kurbada aad ka qaadday ayaa ilaahay kuugu naxariistay.
Marka sadaqada waa arrin weyn oo qofka usoo jiiddo waxyaalo badan sababaya khayrka adduunka iyo khayrka aakhiraba.
Sidoo kale naxariista aad u naxariisanayso dadka iyo duunyada waa shay adiga kugu soo laabanayo.
Waad ku liibaanaysaa wanaaggaas dadka tabaalaysan aad u qabanayso.
Dadka masaakiinta marka aad wax u qabato waxaad ka helaysaa waxyaalo khayr aadan filanaynin.
Marka waxaa lagaa rabaa inaad ku dadaasho khayrka iyo samafalka.
Dulmigana inaad iska ilaaliso.
Dhagarta dumarka intay la eg tahay sheeko yar
Translation of the story into English:
An Indonesian woman came to work in the city of Riyadh in Saudi Arabia.
She was brought in to work at a home, handling cleaning and cooking.
When the woman arrived, she started spending a long time in the bathroom. On the first day, she went into the bathroom and stayed there for a while.
On the second day, the same thing happened. Every time she entered the bathroom, she would remain inside for a long time.
After a week of this behaviour, the female head of the household asked her, “You go into the bathroom several times and stay there for a long time. What’s wrong? Are you sick?”
The woman replied, “No, I am not sick.”
“But I have a certain circumstance. It’s something I cannot talk about.”
The head of the household insisted, “Tell me. There’s no problem. We will help you with whatever difficulty you have.”
Then the woman said, “I left behind a child who was due to be born in four days. Now my breasts are full of milk, and they hurt me. When the pain becomes too much, I go into the bathroom and express the milk.”
“This takes me a long time because my milk is very abundant.”
“Circumstances forced me to leave my child and come out to work. I would not find another opportunity like this. That’s why I came out.”
The Saudi woman who owned the house had been diagnosed with cancer. She used to undergo regular treatment.
When she heard about the female worker who had come under such difficult circumstances, needing to be with her child and breastfeed him, she said, “I will give you six months of leave, as well as six months of your salary. Go, be with your child for six months, and if you want, add more time.”
The woman cried out of joy. She returned to her country, Indonesia.
She went to her child happily. Her people were very surprised.
At first, they thought she had lost her job or been fired by her employer. Because it was a short time – not even two weeks had passed.
But then she told them what had happened.
They were very happy about what the Saudi woman had done for her.
It was mentioned that the Saudi woman used to visit the doctor regularly to monitor her illness.
When she went to the doctor at that time, he examined her and found no trace of the disease in her body. He was amazed. He said, “I cannot find the cancer in your body.”
He said, “Come back another day; I will do another test to confirm.”
A few days later, she returned to the doctor.
He examined her again, and it was still negative.
He said, “The cancer you had has left you. You have been healed.”
“Did you use any other medications, or is there something else?”
The woman said, “No, I did not use any other medication.”
“Nor did I do anything else.”
The doctor said to her, “I mean that a miracle has occurred.”
“It is rare for cancer to go away so easily.”
“Recall what you did.”
The head of the household never thought that the matter she had done for the worker who was in distress would be the reason.
Finally, she told the doctor about what she had done for the female worker.
The doctor said, “That is the reason.”
“Because of that charity, you have been healed.”
“God had mercy on you because of that distressed woman whose burden you lifted.”
“Indeed, charity is a great thing that brings many blessings to a person, causing good in this world and good in the hereafter.”
“Likewise, the compassion you show towards people and animals is something that returns to you.”
“You gain goodness from that which you do for the suffering.”
“When you do good for the poor and needy, you receive blessings you never expected.”
“So you are required to strive in goodness and charity.”
“And to avoid oppression and injustice.”
