Site icon Daruur درور

Qisada nabi Shiith wiilka nabi Aadam (CS) oo kooban

Su’aasha:

Asc bahda daruur. Aad baan idiin salaamay dhamaantiin marlabaad Asc wr wb. Nabi sheeth (Cs.) qisadiisa oo kooban iyo qoomka loo soodiray hadii ay macquul tahay Fadlan idinka codsanayaa.

Qisada nabi Shiith wiilka nabi Aadam (CS) oo kooban
Qisada nabi Shiith wiilka nabi Aadam (CS) oo kooban

Jawaabta:

Nabi Shiith waxaa dhalay Nabi Aadam (CS) markii Qaabiil uu dilay walaalkiisa Habiil 50 sano kadib ayuu dhashay, waxaa laga wariyay ibnu Cabbaas (RC) in Ayyeyo Xaawo (CS) ay dhashay Shiith iyo walaashiisa lagu magacaabi jiray Xazuura, waa midda mataan la ahayn, Nabi Aadan wuxuu u dhali jiray labo labo wiil iyo gabar, waxaa laysku dari jiray wiilka iyo gabar aan mataano ahayn, Qaabiil wuxuu u dilay walaalkiisa naag darteed, waxaa qurux badnayd midda ku soo aadday walaalkiisa Haabiil.

Shiith waxaa laga wadaa badal ama cawil maadaama uu badal ka yahay Haabiil, magaca Shiith waa af cibraani.
Shiith marka aabbihiisa dhintay nabi Aadam isagaa masuul laga dhigay, wuxuuna ahaa Shiith ilmaha Nabi Aadan kan ugu fiican, waxay sheegaan kutubta taariikhda markuu aabbihiisa dhintay si gooni inuu dadkiisa ula baxay oo uu ka fogeeyay walaalkiisa Qaabiil iyo dadkiisa maxaayeelay Qaabiil iyo dadkiisa waxay bilaabeen inay xumaan dhex galaan.
Waxaana la sheegay inuu Nabi ahaa laakin quraanka laguma sheegin qisada iyo magacaba waxaa lagu sheegay xadiis daciif ah  waana xadiiskan:

(عَنْ أبِي ذَرٍّ قَالَ: ” دخَلْتُ الْمَسْجِدَ فَإذَا رَسُولُ الله- صلى الله عليه وسلم- جَالِسٌ وَحْدَهُ… قلْتُ: يَا رَسُولَ الله! كَمْ كِتَاباً أنْزَلَهُ الله؟ قَالَ: مِئَةُ كِتَابٍ، وَأَرْبَعَةُ كُتُبٍ: أُنْزِلَ عَلَى شِيثَ خَمْسُونَ صَحِيفَةً، وَأُنْزِلَ عَلَى أخْنُوخَ ثَلاثُونَ صَحِيفَةً، وَأُنْزِلَ عَلَى إِبْرَاهِيمَ عَشْرُ صَحَائِفَ، وَأُنْزِلَ عَلَى مُوسَى قَبْلَ التَّوْرَاةِ عَشْرُ صَحَائِفَ، وَأُنْزِلَ التَّوْرَاة وَالإنْجِيلُ وَالزَّبُورُ وَالْفُرْقَانُ…)

رواه ابن حبان في صحيحه

(Abuu thar (RC) waxaa laga wariyay inuu yiri: “masjidka ayaan soo galay waxaaba fadhiyay rasuulkii Alle (SCW) kaligiisa…. waxaan ku iri: rasuulkii allow ! immisa kitaab baa Alle soo dejiyay? wuxuu yiri: boqol iyo afar kitaab: Shiith waxaa lagu soo dejiyay konton saxiifo Akhnuukhna waxaa lagu soo dejiyay soddon saxiifo, Ibraahiimna waxaa lagu soo dejiyay toban saxiifo, Muusana waxaa lagusoo dejiyay Towraad kahor toban saxiifo, waxaa lasoo dejiyay Towraad iyo Injiil iyo Zabuur iyo Furqaan…)

Ibnu Xibbaan ayaa saxiixiisa ku wariyay.

Marka uu joojay dadka aad bay u yaraayeen faraca dadka bilow ayuu ahaa.

Exit mobile version