Qiimaha wanaajinta deriska
Deriska meel weyn ayuu ka joogaa diinta islaamka, qofka muslinka waxaa la faray inuu wanaajiyo deriskiisa, Alle subxaanahu watacaalaa wuu u naxariisanayaa qofka ku dhaqma diinta fariimaheeda.
Wuxuu yiri rasuulka (SCW):
(مَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَاليَوْمِ الآخِرِ فَلاَ يُؤْذِ جَارَهُ ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَاليَوْمِ الآخِرِ فَلْيُكْرِمْ ضَيْفَهُ ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَاليَوْمِ الآخِرِ فَلْيَقُلْ خَيْرًا أَوْ لِيَصْمُتْ)
(Qofka rummaysan Ilaahay iyo maalinta aakhiro yuuna dhibin deriskiisa , qofka rummaysan Ilaahay iyo maalinta aakkhiro martidiisa ha karaameeyo, qofka rummaysan Ilaahay iyo maalinta aakhiro wanaag ha sheego ama ha iska ammuso).