Qaniisyada maxay isu guursadaan xumaan wayba ku jiraanee

Su’aasha:

scw waxaan rabaa in la iga jaahil bixiyo raga khaniisiinta waxa la mid ah dumarka khaniiska ah waxay u doodaan xaqa ay u leeyihiin inay is guursadaan waxaan in is weydinayaa muxuu u taraa inay is guursadaan maxayse ugu dadaalaan guur illeen xaaraan wayba ku jiraan maxaayeelay guur waxaa loo raadiyaa qofka xaaraan inuu iska ilaaliyo fadlan su’aashan iiga jawaaba.

Qaniisyada maxay isu guursadaan xumaan wayba ku jiraanee
Qaniisyada maxay isu guursadaan xumaan wayba ku jiraanee

Jawaabta:

Shaydaanka ayaa ka dambeeya sheekada guurka khaniisyada ujeeddadana waa in la burburiyo qoyska maxaayeelay haddii khaniisyada loo fasaxo inay is guursadaan doorka qoyska caadiga ayaa meesha ka baxaayo, sidoo kale waxaad ogaataa labada khaniis marka ay is guursadaan ilmo ma dhali karaan marka waxay raadinayaan cunug ay ilmo ka dhigtaan cunugaasna wuxuu noqonayaa cunug wecel ah oo sino ku dhashay marka iyagaa barbaarinaya, sidaa awgeed ilmaha wecelada bulshada gaalada aad ayay ugu badan yihiin, cunug ay khaniisyo soo barbaariyeen muxuu noqon karaa, marka waa qaanuunka ibliis uu dadka ku fulinayo, marka ibliis ma rabo kaligiisa inuu naarta galo.
Qofka muslinka ah waa inuu la dagaallamaa khaniisyada waa inuusan ka aamusin munkarkaas haddii kale ciqaabta Alle ayaa ku habsanayso bulshada khaniisyada ay ku jiraan, si daran ayuu u halaagay Alle qoom Luud (CS) qof kaste oo falkooda sameeyana kama foga wuxuu yiri Alle (SW):

(فَلَمَّا جَاءَ أَمْرُنَا جَعَلْنَا عَالِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهَا حِجَارَةً مِّن سِجِّيلٍ مَّنضُودٍ ‎* مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ ۖ وَمَا هِيَ مِنَ الظَّالِمِينَ بِبَعِيدٍ)

(markuu yimid amarkannagii waxaan ka yeellay korkoodii hoostoodii waxaana ku daadinay dhagaxyo la shiday oo israac raacsan * lagu calaameeyay Eebahaa agtiisa wax daalimiinta ka fogna ma aha)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More