Site icon Daruur درور

Qabyaaladda Axmed Madoobe iyo sawirka amin arts

Amin arts oo wali dusha ka saaran Axmed Madoobe oo ah taliya Kismaayo.

Axmed Madoobe sida ka muuqata ama laga fahmayo sawirka amin arts ma rabo inuu ka tago xukunka kismaayo, mana aaminsana doorasho wax la dhaho, Axmed Madoobe wuxuu aaminsan yahay qabiil sida amin arts sawirka ku tilmaamay.

Marka run ahaantii dhulka soomaaliya koonfur haddii qabiil la dhaho waxaa iska leh dadka loo yaqaano Dilgil iyo Mirifle iyo Raxweyn, guud ahaan dadka ku hadla lahjadda maayga dadka ogaadeenka meesha waxaa la keenay marka ay kasoo barakaceen dagaalladii soomaali yo itoobiya iyo abaarihii darnaa, ka dhici jiray meelahaas.

Qabyaaladda Axemd Madoobe iyo sawirka amin arts
Qabyaaladda Axemd Madoobe iyo sawirka amin arts

Soomalida aad bay u aaminsan yihiin qabyaaladda, waxa uu dalka la hagaagi la’yahay waa cudurka qabiilka.

Qabiilka ugu xun ayaa ah qabiilka ugu lacagta jecel qabiilka ugu liito waa qabiilka ka fog cadaaladda iyo xaqa, ma aha in lagu faano qabyaalad, waxaa laga yaabaa qof wadaad ah oo beeshiisa taageersan wuxuu ku taageersan yahay khaladka, wuxuu aaminsan yahay inuu yahay qabiilkiisa qabiilka ugu lacag badan ugu xoolo badan ugu qurux badan ugu awoodda badan.

Sheekooyinkaas waa laga soo tagay .

Exit mobile version