Qabiilka Soomaali ugu lacagta badan lot of money
Qabiilka Soomaali ugu lacagta badan lot of money
Qabiilka ugu hantida badan kee la dhihi karaa?
Marka hore waa inaan ogaanaa hantida waxa laga wado.
Soomaalida waxay u kala baxaan dad xoolo dhaqato ah iyo dad beeraley ah iyo dad ganacsato ah.
Hantida soomaali laguma soo koobi karo qabiil gaar ah.
Dad badan ayaa is weydiiya su’aashan laakin waxaa xaqiiqo ah qabiil kaste in laga helayo dad maalqabeen ah.
Qabiilka la dhihi karo waxay ku dheereeyaan ganacsiga waa Baadicadde sidoo kale beesha Murusade taas macnaheeda ma aha iyagaa ka hanti badan beelaha kale.
Beesha Abgaal iyo beesha Habargidir way leeyihiin dad hantiile ah.
Siiba dagaallada kaddib ayay noqdeen kuwa haysta ganacsiga magaalada Muqdisho oo dhan.
Sidoo kale Majeerteen aad baa looga helaa dad hanti badan leh.
Dad badan ayaa baadiyaha ku nool oo leh xoolo badan lagamana dareemayo inay hanti leeyihiin.
Tirakoob lama sameynin oo lagu ogaan karo sida ay dadka u kala hanti badan yihiin.
Marka lama dhihi karo beel heblaay ayaa ah midda ugu hantida badan.
Laakin waxaa la dhihi karaa soomaalida waa dad u nugul hantida.
Markaad eegto wadamada deriska sida Kenya iyo Tanzania hatiileyaasha waa dad soomaaliyeed.
Laakin balada waxay ka taagan tahay maamulka ayaa naga lumay.
soomaali way la’yihiin qaabka ay u heshiin lahaayeen. ee hanti uma yara dhul hodonna way ku nool yihiin laakin caqliga ayay heshiiska iyo isu sabarka ayay faqiir ka yihiin.
Marka laga hadlayo qabiilka ugu badan guurka ama quruxda ama hantida waa daraasad la daraasaynayo dadka iyo qaababka ay ku nool yihiin. Taas cunsuriyad ma aha qabyaaladna ma aha, waayo qabiil qabiil kale ka fiican ma jiro asal ahaan.
يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ ).
(Dadow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhaddig, waxaanna idinka yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, ruuxase ugu sharaf badan Alle agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Allana wax walba waa ogyahay)
Wuxuu yiri rasuulka (SCW):
(يَا أَيُّهَا النَّاسُ: إِنَّ رَبَّكُمْ وَاحِدٌ ، وَإِنَّ أَبَاكُمْ وَاحِدٌ ، أَلَا لَا فَضْلَ لِعَرَبِيٍّ عَلَى عَجَمِيٍّ ، وَلَا لِعَجَمِيٍّ عَلَى عَرَبِيٍّ ، وَلَا لِأَحْمَرَ عَلَى أَسْوَدَ ، وَلَا أَسْوَدَ عَلَى أَحْمَرَ ، إِلَّا بِالتَّقْوَى ، إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللهِ أَتْقَاكُمْ … )
Dadow: rabbigiina waa hal, aabbihiinana waa hal, qof carab ah kama fadli badna qof cajam ah, qof cajam ahna kama fadli badna qof carab ah, qof guduudanna kama fadli badna qof madow, qof madowna kama fadli badna qof guduudan Alle ka cabsi mooyee, kiina ugu qiimaha badan xagga Alle waa kiina ugu taqwo badan).
Dadka soomaalida marka la galay dagaal sokeeyaha waxaa aad ugu dhex faafay cudurka xun ee ah qabyaalad.
Jirradaas wax badan ayay ka burburisay dalka, xataa waxaa arkaysaa dad wadaado ah oo ka hor marinayo qabyaaladda diinta.
Qofka caqliga leh marka uu fiiriyo xaqiiqada beelaha ama qabiilada waa wax caadi ah oo loogu
talagalay in laysku barto ee ma aha wax la weyneeyo oo laga hormariyo diinta.
Diinta islaamka aad ayay ula dagaalantay qabyaalada waxay kasoo qaadday inay tahay arintaas arrin xun
oo burbur daran bulshada u keenayso, umad kaste madaxa la gashay qabyaalad lagama yaabo
inay hormar gaarto, umadda islaamka waxay hormar ku gaartay markay ka tagtay qabyaalad iyo beelaysi.
Qof kasta oo muslin ah waxaa laga rabaa inuu qaato manhajka diinta ay xariiqday.
Shaydaanka wuxuu xoogga saaraa qabyaaladda wuxuuna jecel yahay dadka ku dhaqmo arrintaas.
Marka qabiilka soomaali ugu fiican waa dadka diinta silaamka ku dhaqmo.
Waxaa wariyay Abuu Nucaym iyo Bayhaqi
Qabiilka kaste waxa uu ku fiican yahay