Site icon Daruur درور

Pharmacy ayaan joogaa kaniinka Tramadol ma iibin karaa

Pharmacy ayaan joogaa kaniinka Tramadol ma iibin karaa

Su’aasha:

Asc wll, waxaan leeyahay pharmacy daawooyinka aan iibiyo waxaa kamid ah “tramadol” daawadan in la iibiyana waa laga ogolyahay magaalada aan joogo oo waa licensed,, sidaad ogtahayba daawadani waxay kamid tahay daawooyinka qofku la qabsado “addictive drugs ” hadaba su,aashaydu waxay tahay hadii uu ii yimaaado qof daawadan idmaan ku ah oo la qabsaday la,aanteedna uu dhibaatooyin badan dareemayo ma ka iiibin karaa daawadaa?
F:G waxaan ahay dhakhtar daawadan aan tilmaamayna wan uqoraa bukaanada qaar marka looga fursan waayo sababo jira awgeed, lkn su aashaydan ujeedada aan kaleeyahay waxa weeyaan inaan ogaaado qofku hadii uu laqabsi ku sameeyay inaan ka iibin karo diinteennu waxay ka qabto. Mahadsanidiiin. Ilaaahay cilmiga ha idiin siyaaadsho, webkani aaad buu agtayda qiimo uga leeyahay.

Pharmacy ayaan joogaa kaniinka Tramadol ma iibin karaa
Pharmacy ayaan joogaa kaniinka Tramadol ma iibin karaa

Jawaabta:

Daawada ama kaniiniga Tramadol  waa kaniini dowladaha qaar ay ku dareen mondooriyeyaasha aan caadi loo iibin karin qofkii lagu arko asoo dhoofinaya waxaa lagu xukumaa xarig.
Laakin kaniinigan sida adigaba aad la socoto waxaa loo adeegsadaa xanuunka aadka u daran in lagu dejiyo sida dadka kansarka qaba sidoo kale waxaa lagu daaweeyaa dadka daroogada aadka halista u ah soo bartay, dowladaha qaar waxaa loo adeegsadaa daawada Tramadol  in lagu daaweeyo biyabaxa degdega.

Marka qofka iibinaya hadduu yahay qof dhakhtar ah oo ujeeddadiisu ay tahay inuu qof ku daaweeyo markaas culimada waxay qabaan in diintu oggoshahay, waxayna eegayaan daruurada keentay in daawo ahaan loo adeegsado,  teeda kale qaniinagan ma aha sida khamriga oo kale oo nas cad kusoo arooray, waxaad ogaataa wax kaste maandooriye ah khamrada ayaa loogu qiyaas qaatay, iyadaa la haleeshiiyay, marka asalka iyo faraca marmar isku mid ma noqon karaan.

Marka qofkii darooga ahaan u adeegsanayo in laga iibiyo ma aha, taas adaa lagaa rabaa inaad eegto dadka aad ka iibinayso qaabakay u rabaan iyo siday u adeegsanayaan.

 

Kaniiniga dajihaya Diazepam dadka qaar dhibka uu gaarsiiyo

 

A medicine or tramadol pill is a pill that some governments have made available to narcotics that cannot be sold normally. Anyone who is seen exporting it is sentenced to prison.
However, this pill, as you are monitoring, is used for severe pain to relieve people with cancer and is also used to treat people who have studied very dangerous drugs, and in some states tramadol is used to treat acute ejaculate.

When the seller is a doctor with the intention of treating someone, then the scholars think that religion is allowed, and they are looking at the clouds that have led to the use of medicine, the other biting is not like the wine that has come to a clear rest, you know everything that is intoxicating is measured in the wine, it is captured, when the origin and descendants of marble cannot be the same.

When the person using it as a drug is not to be sold, you are required to see the people you are selling in the way they want and how they use it.

 

Exit mobile version