Site icon Daruur درور

Panax ginseng oo kabsool ma daaweyaa biya baxa dagdaga iyo kacsi la’aanta

Su’aasha:

Waxan maqlay panax ginseng oo kabloos ah 60 xaba ah inuu daweeyo kacsi la,aanta iyo biya baxa dag daga oo waliba ayaan so labaneynin sida dawooyin qaar marka cunto kugu so labanayan inay jiran ayan maqlay balse panax ginseng uu yahay mid ah dawa buuxdo.

suasha labaad daawada garka soo saarta wax dhib ah ma leedahay caafimaad ahaan

suasha sadaxaad protein nada gymka loo qaato oo lagu weynaado caafimadka iyo raganimada inay udaranyihin ayaan maqlay lkn dhaqtar kaman maqlin ee maxa kajiro arintaas mahadsanid.

Panax ginseng oo kabsool ma daaweyaa biya baxa dagdaga iyo kacsi la'aanta
Panax ginseng oo kabsool ma daaweyaa biya baxa dagdaga iyo kacsi la’aanta

Jawaabta:

1- Geedka Ginseng waa geed dabiici ah oo la yaqaano, meelo badan ayaa laga helaa dunida  waxaa jira noocyo badan China iyo Korea ayaa laga keenaa intiisa badan, waa geed dareenka raga kordhiya oo leh faa’idooyin badan aan lasoo koobi karin, waxaa jira isagoo laga sameeyay kaniiniga kaabsol ah, oo u roon kacsiga iyo biyabaxa degdega, laakin waxaa kasii fiican inaad raadsato geedka laftiisa waa jirrid halkan ayaad ka heli kartaa faahfaahin dheeraad ah:

Ginseng Oo Ah Daawo Geedka Raga Adkeysa

Daawo Dabicii Ah Oo Kacsiga Xoojisa

2- Guud ahaan ma fiican in loo adegsado garka daawo, haddaad rabto inuu kuusoo baxo waad xiiri kartaa.
Haddii lagama maarmaan ay tahay waxaa jirta daawo kareem ah loo yaqaano Eledil cream oo soo saarta garka maalintii labo jeer ayaa la marsadaa waxaana lala qaataa hal kaabsol lagu magacaabo Fefol Cap maalin kaste hal ayaa la cabbaa muddo bil ah.
Laakin aniga waxaan ku dhihi lahaa daawo ka fogow.

3- protein-nada gymka waxay keeni karaa marka ay bataan dhibaatooyin xagga caafimaadka, cudur ayay u keenaan dheefshiidka, sidoo kale baruur ayay keeni karaan, sidoo kale lafaha ayay dhib u keeni karaan, dadka kelliyaha ka jiran halis ayay uu keenayaan, waxaa laga yaabaa qaar inay jiraan waxyaabo aan aamin ahayn wata oo dhibaatooyin sababi kara, dakhaatiirta qaar waxay sheegayaan inay raganimada waxyeelayaan qaarna waxay leeyihiin ma saameeyaan, laakin guud ahaan waxaa habboon qofka inuusan iska badinin.

Exit mobile version