Panax ginseng oo kabsool ma daaweyaa biya baxa dagdaga iyo kacsi la’aanta
Su’aasha:
Waxan maqlay panax ginseng oo kabloos ah 60 xaba ah inuu daweeyo kacsi la,aanta iyo biya baxa dag daga oo waliba ayaan so labaneynin sida dawooyin qaar marka cunto kugu so labanayan inay jiran ayan maqlay balse panax ginseng uu yahay mid ah dawa buuxdo.
suasha labaad daawada garka soo saarta wax dhib ah ma leedahay caafimaad ahaan
suasha sadaxaad protein nada gymka loo qaato oo lagu weynaado caafimadka iyo raganimada inay udaranyihin ayaan maqlay lkn dhaqtar kaman maqlin ee maxa kajiro arintaas mahadsanid.

Jawaabta:
1- Geedka Ginseng waa geed dabiici ah oo la yaqaano, meelo badan ayaa laga helaa dunida waxaa jira noocyo badan China iyo Korea ayaa laga keenaa intiisa badan, waa geed dareenka raga kordhiya oo leh faa’idooyin badan aan lasoo koobi karin, waxaa jira isagoo laga sameeyay kaniiniga kaabsol ah, oo u roon kacsiga iyo biyabaxa degdega, laakin waxaa kasii fiican inaad raadsato geedka laftiisa waa jirrid halkan ayaad ka heli kartaa faahfaahin dheeraad ah:
Ginseng Oo Ah Daawo Geedka Raga Adkeysa
Daawo Dabicii Ah Oo Kacsiga Xoojisa
2- Guud ahaan ma fiican in loo adegsado garka daawo, haddaad rabto inuu kuusoo baxo waad xiiri kartaa.
Haddii lagama maarmaan ay tahay waxaa jirta daawo kareem ah loo yaqaano Eledil cream oo soo saarta garka maalintii labo jeer ayaa la marsadaa waxaana lala qaataa hal kaabsol lagu magacaabo Fefol Cap maalin kaste hal ayaa la cabbaa muddo bil ah.
Laakin aniga waxaan ku dhihi lahaa daawo ka fogow.
3- protein-nada gymka waxay keeni karaa marka ay bataan dhibaatooyin xagga caafimaadka, cudur ayay u keenaan dheefshiidka, sidoo kale baruur ayay keeni karaan, sidoo kale lafaha ayay dhib u keeni karaan, dadka kelliyaha ka jiran halis ayay uu keenayaan, waxaa laga yaabaa qaar inay jiraan waxyaabo aan aamin ahayn wata oo dhibaatooyin sababi kara, dakhaatiirta qaar waxay sheegayaan inay raganimada waxyeelayaan qaarna waxay leeyihiin ma saameeyaan, laakin guud ahaan waxaa habboon qofka inuusan iska badinin.
1- The Ginseng tree is a well-known natural plant, found in many places in the world. There are many types, most of them are imported from China and Korea. It is a plant that increases male sensitivity and has many benefits that are incalculable. There is one made from a capsule, which is good for erection and rapid ejaculation, but it is better to look for the tree itself, which is a stem.
2- In general, it is not good to use medicine on the beard, if you want it to grow, you can shave it.
If necessary, there is a cream medicine called Eledil cream that produces beard growth, it is applied twice a day and is taken with one capsule called Fefol Cap, one is taken every day for a month.
But I would say stay away from medicine.
3- Gym proteins can cause health problems when consumed in excess. They can cause digestive problems, they can also cause fat, they can also cause bone problems, and they are dangerous for people with kidney disease. Some may contain unsafe ingredients that can cause problems. Some doctors say they harm virility, while others say they do not affect it, but in general, it is advisable for a person not to overdo it.
