Site icon Daruur درور

Ninkii galmo ku dhinta naagta maa sabab u ah

Su’aasha:

Walaal haduu nin isagoo naagtiisa u galmoonaayo uu galmadii darteed nafta kaga baxdo, naagtaas ma loo heystaa dhimashada ninkaas maxaysa tahay xukunkeeda.

Ninkii galmo ku dhinta naagta maa sabab u ah
Ninkii galmo ku dhinta naagta maa sabab u ah

Jawaabta:

Galmada caadi ahaan ma aha fal dil keenaya, haddii qof ku dhinto galmo taas macanaheeda ma aha in la dilay, laakin haddii galmada ay la socdaan waxyaalo keeni kara dil sida qof u tagay gabar aan galmo gaarin ama naag nin ku qasabtay inuu sameeyo galmo isdabajoog ah asoo qaba cudurka wadnaha iwm. markaas galmada sabab ayay u noqon kartaa geerida markaas waa in la baaraa siday tahay iyo habka qofka u dhintay.

waana la dhihi karaa qofkaas ayaa sabab u noqday dilka

Laakin galmada caadi ahaan ma aha wax dhimasho keenaya haddii qofka uu ku dhintana waa qadar.

Exit mobile version