Site icon Daruur درور

Ninkayga marka aan la raaxaysanayo kaadi daran baa iqabato

Ninkayga marka aan la raaxaysanayo kaadi daran baa iqabato

Su’aasha:

scw bahda daruur ninkayga marka aan la raaxaysanayo kaadi daran baa iqabato kaadina igama timado markan musqusho aado cudur miyaa i hayo.

Ninkayga marka aan la raaxaysanayo kaadi daran baa iqabato
Ninkayga marka aan la raaxaysanayo kaadi daran baa iqabato

Jawaabta:

Kaadida xiligaas ku qabato waxaa laga yaabaa inuu dareenka sabab u yahay, dumarka qaar dareenkooda awood ayuu leeyahay waxay dareemaan inay kaadi hayso xiliga raaxada sariirta, haddii arrintaas ay kugu cusub tahay oo aadan hore u aqoon jirin way dhici kartaa inuu caabuq jiro, waxaana fiican inaad dhakhtarad u tagto si loo ogaado dibka ku haysta.

Dumarka biyo ayaa ka baxo sida xadiis saxiix ah kusoo aroortay:

(ماءُ الرّجُل أبيَضَ غَليظٌ وماءُ المرأةِ أصفَرَ رَقيقٌ فأيُّهُما أَعْلَى كانَ الشّبَهُ لهُ)

(Biyaha ninka waa caddaan oo adag biyaha naagtana waa jaallo oo jilcan kuwa sarreeya ayaa u ekaanshaha iska leh) 

 

waxaa wariyay Axmed iyo Annasaa’i iyo Ibnu Maajah

 

riwaayo kale wuxuu ku yiri:

(إذا سَبقَ ماءُ الرّجُلِ مَاءَ المرأةِ أَذْكَرَا بإذنِ الله، وإذَا سَبَقَ ماءُ المرأةِ مَاءَ الرّجُلِ ءانثَا بإذنِ الله)

(hadday ka hormaraan biyaha ninka biyaha naagta lab ayay dhalayaan waana idinka Ilaahay, hadday ka horreeyeen biyaha naagta biyaha ninka dheddig ayay dhalayaan waana idinka Ilaahay).

Muslim ayaa wariyay

Biyo Badan Ayaa Iga Soo Faniino Xiliga Raaxada Sariirta Ma Cudur Baa

Dumarka Meeqa Jeer Ay Biya Bixi Karaan

Exit mobile version